DENI UU XAALKA KU XUN YAHAY.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DANAB.
(GARAWE)-Wararka ka imaanyo caasimadda dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka jirto xiisad siyaasadeed oo aad u kacsan una dhexeyso maamulka uu hogaamiyo Siciid Deni iyo mucaaradka Puntland,arrinta ayaa hadda marayso iney ka hadlaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Danab kuna sugan degaankaasi. Puntland ayaa leh ciidamo ayada u gaar ah loona soo tababaray si ey ula dagaalaan aragagixisada Alshabaab ee ku sugan buuraha Galgala,ciidamadaan ayaa war ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee hadda ka taagan Puntland waxa eyna sheegeen ineysan indhaha ka qabsan doonin firaaq siyasadeeed oo ku yimaado dawladda Puntland.
ISHA/CAASIMADDA.