XILDHIBAAN YAASIIN FAREEY OO KA HADLAY CAWSWEYNE.
(SAWIRKA)-XILDHIBAAN YAASIIN FAREEY.
(CEELDHEER)-Maalintii Sabtida ayey ahayd waqti la weeraray degaanka Cawsweyne waxaane halkaasi ka dhacay dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeyey ciidamadda XDS iyo kooxda Alshabaab waxaane halkaasi ka dhashay dhimasho fara badan oo labada dhinac ah iyo dhaawac xad dhaaf iyo dad fara badan oo la la’ayahay,dadka dagaalka lagu la’ayahay nolol iyo geeri ayaa waxaa ka mida sida la soo sheegay taliye Shaah ma Cabbe oo hogaaminaayey ciidamadda Cali Bin Abi Dhaalib oo sugnaay Cawsweyne marka dagaalku dhacaayey,hadaba Xildhibaan Yaasiin C/laahi Fareey kana tirsan Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya horayne u soo noqday Agaasimaha hayada NISA ayaa waxa uu wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da,xildhibaanka oo hadda ku sugan degmada Qadiimiga ah C/dheer ayaa beeniyey in ciidamadda XDS ey dib uga gurteen degmada Ceeldheer. Xildhibaan Yaasiin ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay weerarkii Cawsweyne ee dhacay Sabtidii la soo dhaafay.
ISHA/VOA.