AMIIR ALSHABAAB AH OO ISA SOO DHIIBAY.

(SAWIRKA)-AMIIRKA ALSHABAAB EE ISA SOO DHIIBAY NUUR C/LAAHI MAALINGUUR(NUUR DEEQ).

(GALKACYO)-Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa maanta sheegtay inuu isu dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab kana hawlgeli jiray Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug,hogaamiyahaan ayaa la sheegay inuu ahaay ninka telefoonada ku soo handada shacabka Galkacyo. Wasiirka arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta DFS Md.Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamadda dawladda Federaalka Soomaaliyeed kuna sugan aaga Wisil ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug inuu isu soo dhiibay mid ka mida Amiiradda ugu waa weyn kooxda Alshabaab, Wasiir Fiqi ayaa magaca Amiirka isa soo dhiibay ku sheegay in la yiraahdo Nuur C/laahi Maalinguur loona aqoon ogyahay”Nuur Deeq”, Wasiir Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Amiir Nuur ahaay taliyaha Maleeshiyaad Gobolka Mudug una qaabilsnaay kooxda Alshabaab inuu telefoon ku soo handadado Ganacsatada,Odayaash dhaqank iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool Gobolka Mudig, Wasiir Fiqi ma uusan xusin goorta uu isa soo dhiibay Amiirka hore Alshabaab.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO SOOMAALIYA UGU DEEQAY ADDUUN DHAN $92.6-MILYAN.

Next
Next

XILDHIBAAN YAASIIN FAREEY OO KA HADLAY CAWSWEYNE.