XILALKA LOO TARTAMAAYO EE URURKA MIDAWGA AFRIKA.

(SAWIR)-KA. URURKA MIDAWGA QAARADDA AFRIKA.

(ADDIS ABABA)-Hanaanka Doorashadda Hogaanka Sare ee Midawga Afrika ayaa bilawday iyadoo loogu baaqaayo Musharixiinta daneynayo iney soo gudbiyaan,dalalkooda xubnaha ka ah,Taariikh nololeedkooda,iyado ey wehliso bayaano aragtiyeed muujinaya sida ey u doonayaan iney u horumariyaan Ajandaha Isbedelka ee Midawga Afrika iyo si wax looga qabto Caqabadaha jira iyo kuwa soo baxaya ee Qaaradda horyaala. Doorashadda ayaa dhici doonto Bisha Feberaayo sannadka 2025-ka inta lagu guda jiro shir Madaxeedka Midawga Afrika. Dhammaan Jagooyinka Sideeda ah ee Hogaanka Sare ee Gudiga Midawga Afrika waxay u furan yihiin soo gudbinta Musharixiinta oo ey hagayso Qoondeynta Gobollka ee faylalka. Jagooyinka waxaa ka mid ah”Gudoomiyaha,Gudoomiye ku Xigeenka iyo Lix Jago ee Golayaasha(Commissioner). Hanaanka Doorashada dheceyso Bisha Feberaayo-2025-ka waxa ey ku salaysnaan doontaa Mabda’a isku shaandheynta Gobolladda ee tilmaamaayo in: (1)-Gobollka Bari ee Qaaradda Afrika waxa uu soo Gudbin doonaa Rag iyo Dumar oo u sharaxan Xillka Gudoomiyenimadda. (2)-Gobollka Waqooyi ee Qaaradda Afrika ayaa soo Gudbin doona Musharixiin isugu jira Rag iyo Dumar oo u taagan Xillka Gudoomiye Ku Xigeenka. (3)-Gobolladda(Bartamha,Koonfurta iyo Galbeedk) waxay soo gudbinayaan ugu yaraan laba Musharax (Hal Rag iyo Hal Dumar) lixda qeybood ee Golaha(Commissioners). Gobol kastaa wuxuu go’aamiyaa habraac u gaar ah oo uu ku soo magacabaayo Musharixiinta Faylalka ey xaqa u leeyihiin. Waqtiga kama dambaysta ah ee soo gudbinta magacaabista Golladda ee Gudiga Midawga Afrika waa 6-da Agoosto-2025-ka. Kaliya magacyadda Musharixiinta uu Gobollku soo gudbiyey ayaa la tixgelin doonaa habka Doorashadda ka hor ee ey qaadayaan Gudiga Afrikaanka caanka ah. Intaa waxaa dheer,kaliya Dawladaha Xubnaha ka ah ee aan ku jirin Cunaqabateynta Midawga Afrika ayaa loo ogol yahay iney soo gudbiyaan Musharixiinta. Gudiga Caanka ah oo Afrikaanka ah oo ka kooban (5)-shaqsi ayaa la magacaabay bishii Feberaayo ee sannadkan 2024-ka si ey u kormeeraan ka hor Doorashadda Musharixiinta sideeda jago. Gudiga Afrikaanka Caanka ah ayaa tan iyo markaas Horumariyey Astaamaha Shaqada iyo Shuruucda Karti-Xirfadeed ee Jagooyinka Hogaanka. Tan waxaa ku jira Xirfadaha Hogaaminta Guud iyo Kartida iyo sidoo kale khabiir iyo Xirfadaha mawduuca ee faylal kasta. Habka Qiimeynta ee dhammaan Musharixiinta waxay ku salayasan tahay Xirfadaha iyo Kartida loo aqoonsaday jaga kasta oo Hogaanka sare. Xubnaha Gudiga Afrikaanka Caanka ah waa: (1)-Prof. Paul Ngarambe,oo u dhashay Burundi,oo Wakiil ka ah Gobolladda dhexe ee Qaaradda Afrika.(2)- Amb.Konjit SineGiorgis,oo u dhashay Itoobiya, oo Metelaayo Gobollka Bariga Qaaradda Afrika. (3)-Amb.Nozipho Joyce Mxakato-Diseko,oo u dhashay Koonfur Afrika, oo Metelaayo Gobollka Koonfureed ee Qaaradda Afrika. (4)-Amb. Patrick Hayford ,oo u dhashay Gaana,oo Metalaayo Gobollka Galbeedka Qaaradda Afrika. Xubnaha laga soo magacabaayo Gobolladda Waqooyi ayaa lagu dari doonaa Gudiga Afrikaanka Caanka ah ka dib marka la soo gabagabeeyo wadatashiyadda Gobolladda iyo soo gudbinta xubnaha la magacaabayo. Doorashadda Gudiga Midawga Afrika ayaa u dhacda sidan”Golaha Madaxda Dawlad Goboleedyada iyo Dawladda ayaa dooranaayo Gudoomiyaha iyo ku Xigeenka. Golaha Fulinta ee Wasiiradu waxay doortaan Golayaasha(Commissioners) kuwaas oo uu magacaabo Goluhu. Isku shaandheynta Jinsiga ayaa lagu tixgeliyaa Doorashooyinka si haddii Gudoomiyuhu uu lab u yahay haweeney(dhedig) loogu doorto Gudoomiye ku xigeenka iyo lidkeeda. Golaha(Commission)-ku waxa ey doortaan Xubnaha Hogaanka sare ee xilka haya muddo afar sano ah,oo la cusbooneysiin karo. Ka hor Doorashadda si Qarsoodi ah u dheceyso,Musharaxiinta ku loolameysa Xillka Gudoomiyaha Gudiga ayaa ka qeybgelaayo dood laga sii deynaayo Telefishanka oo si toos ah ey u dawanayaan mawadiniinta Afrikaanka ah. Dooda Hogaanka Afrika ee loo yaqaano MjadalaAfrika waa Madal siisa Musharixiinta fursad ey ku soo bandhigaan Aragtidooda ku aadan sida ey u Hogaamin doonaan Isbedelka Afrika iyo Ajendaha Afrika ee sannadka 2063-da. Doodu waxay u ogolaaneysaa Muwaadiniinta Afrikaanka ah iyo Daneeyeyaasha kale iney soo bandhigaan su’aalo la weydiinaayo Musharixiinta oo ku saabsan sidii loo dardargelin lahaa koboca Qaaradda Afrika iyo hubantida in Afrika ey gaarto yoolkeeda ku aadan Horumar isku dhafan oo waara iyo ka mid noqoshadda doorka ugu weyn ee (Arena Global). Hanaanka Doorashadda Midawga Afrika waxaa haga Mabaadi’ida hubinaya iney jiraan metelaad Goboleed oo Siman,Sinaanta Jinsiga,Soo jiidasahada iyo ilaalinta kartida Sare ee Afrika,Hogaan iyo Maamul la Xisaabtan wax ku ool ah iyo Doorasho Hufan oo ku sleysan Mudnaan. LA SOCO XOGTA TARTAMAYAASHA XILKAN OO HADDA GAARAY 8-DEED TARTAME KANA SOO WADA JEEDA BARIGA AFRIKA.

ISHA/AU-DA.

Previous
Previous

URURKA IGAD OO WAR KA SOO SAARAY XAALADDA GOBOLKA.

Next
Next

ALSHABAAB IYO DAACISH OO ISKU FARA SAARAY BUURAHA GALGALA.