URURKA IGAD OO WAR KA SOO SAARAY XAALADDA GOBOLKA.
URURKA IGAD.
(NAIROBI)-Urur Goboleedka IGAD ayaa warbixin uu soo saaray maanta oo Khamiis ah ku sheegay in Gobolka Geeska Afrika uu ka dilaacay Cudurro badan ka dib Roobabkii duufaanadda watay ee dhawaan ku dhuftay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya. Sida laga soo xigtay IGAD,Cuduradda la diiwaan geliyey ee ka dilaacay Gobolka Geeska Afrika ayaa waxaa ka mid ah Daacuunka,Duumadda,Jadeecadda,Dengue,Qandhada Jaalaha ah,Dabaysha iyo Kudka,kuwaas oo dhammaantood si toos ah ula xiriira dhacdooyinka Cimiladda daran. Dalalka Itoobiya,Soomaaliya,Kenya Sudaan iyo Ugaandha waxa ey ka jawaabayaan Cudurka Daacuunka oo ey uga sii dareen fatahaadihii dhawaan ka dhacday dalalkaas ayaa lagu yiri warbixinta IGAD. Gudaha dalka Itoobiya ayaa laga soo sheegay in 14,632 xaaladood iyo 114 dhimasho oo la xiriirta ayaa laga soo sheegay 90-goobood oo ku yaalo 11-Gobol intii u dhexeysay kowdii Janaayo ilaa 28-kii bishii Abriil -2024-ka,sidaas waxa sheegay IGAD. Ururka IGAD wuxuu u arkay dhammaan todobadda wadan ee Geeska Afrika ee kala ah”Djibouti,Itoobiya,Kenya,Soomaaliya,Koonfurta Suudaan,Suudaan iyo Ugaandha”ayaa la tacaalaya xaaladda cudurka Duumadda oo kordhay. Sidoo kale,Ururka IGAD,wuxuu sheegay in Cudurka Jadeecadda uu ka dilaacay Guud ahaan dalalka iyadoo Itoobiya laga diiwaan geliyey 20,580-Xaaladood iyo 162-Dhimasho ah oo la xiriirta dhammaadkii bishii Abriil,Soomaaliyana waxa ey sheegtay 360-Xaaladood oo laga shakisan yahay. Dhinaca kale,afar wadan oo ey Kenya ku jirto ayaa ka jawaabaya Cudurka Dengue,halka Xumadda Jaalaha ah ey ka jirto Koonfurta Suudaan. Qiyaastii 74.9-Milyan oo qof oo ku nool Gobolka Geeska Afrika ayaa ah kuwa ey hayasato Cunto yari aad u daran ka dib fatahaada waxayana u baahan yihiin gargaar bani’adanimo oo deg deg ah,sida uu sheegay Ururka IGAD iyo Hayadda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramadda Midoobe ee FAO..
ISHA/XI.