WASIIR FIQI OO KA SOO MUUQDAY SHIRKII CARABTA IYO SHIINAHA.

(SAWIR)-KA.MADAXDII CARABTA EE KA QEYBGASHAY SHIRKII SHIINAHA IYO CARABTA.

BEIJING)-Madaxweynaha Dalka Shiinaha XI Jinoing ayaa mar kale ku celiyey baaqyadda ku aadan in la dhiso dawlad Madax-banaan oo Falastiin ah,Wuxuuna ballan qaaday gargaar bani’adanimo oo dheeri ah oo la gaarsiiyo dadka reer Gaza,isagoo shir Madaxeed kula yeeshay Hogaamiyeyaasha dalalka Carabta maanta oo Khamiis ah magaaladda Beinjing. “Laga soo bilaabo bishii Oktoobar ee la soo dhaafay,iska horimaad Falastiin iyo Isra’iil ayaa si aad ah u kordhay,isaga oo dadka ku tuuray Silicweyn”,ayuu XI ku yiri khudbad uu ku furaayey Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta. “Dagaalku waa inuu weligii sii socon”. Waxa uu dib u soo celiyey taageerada Dhiinaha ee xal laba dawladood ah wuxuuna ballan qaaday 500-Milyan(Yuan) oo lacagta Shiinaha ah una dhiganta $69-Milyan oo doolarka Maraykanka ah oo gargaar bani’adanimo ah lana gaarsiinayo dad reer Falastiin ee ku sugan Marinka Gaza. Wax uu sidoo kale ballan qaaday inuu #-Milyan ugu deeqi doono Hayaddaha Qaramada Midoobe u qaabilsan gargaarka iyo shaqada ee Qaxootiga reer Falastiin ee ku sugan bariga dhaw oo gargaar siisa Qaxootiga dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil. Ka sokow wax ka qabashada dagaalka,Madaxweyn XI wuxuu sidoo kale ugu baaqay daw;adaha Carabta iney sii xoojiyaan iskaashiga dhinactada sida Ganacsiga,Tamarta Nadiifka ah,Sahminta Hawada Sare iyo daryeelka caafimaadka. Dalka Shiinaha ayaa doonayo inuu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dawladaha Carabta,Baxrayn,Tunisiya iyo kuwa kale ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro ballaarinta xiriirka Ganacsi ee Shiinaha iyo Arrimaha Amniga ee la xiriiro dagaalka Isra’iil iyo Xamaas. Madaxweyne XI ayaa sheegay in shirkadaha Shiinaha ee dhinacyada Tamarta iyo Maaliyadda ey ka qeyb qaadan doonaa dib u cusboneysiinta Mashaariicda kuwaaso wadarta awooda ey tahay mid ka badan seddex milyan oo kiilowaad gudaha wdaamadda Carabta. Shirkaan ka dhacay Shiinaha ayaa dalka Soomaaliya waxaa ku metelaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi balaaran uu hogaaminaayey.

ISHA/AN.

Previous
Previous

MASAR OO CADAADIS LAGU SAARAY INEY FURTO ISGOYSKA RAFAX.

Next
Next

URURKA IGAD OO WAR KA SOO SAARAY XAALADDA GOBOLKA.