ALSHABAAB IYO DAACISH OO ISKU FARA SAARAY BUURAHA GALGALA.

(SAWIR)-KA. KOOXDA DAACISH.

(BOSAASO)-Wararka ka imanayo magaaladda Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaayo iney faahfaahino dheeraad ah ey ka soo bexeen dagaal culus oo u dhexeeyey kooxha Daacish iyo Alshabaab ee kuwada sugan buuraha Galgala ee G/Bari maamulka Puntland. Dagaalka oo socday saacado badan ayaa la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan waxaane dhawaqiisa laga maqlay meelo fog fog. Labada kooxood Alshabaab iyo Daacish ayaa waxaa soo kala gaaray khasaaro lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma cadda tiradda rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ah ee ka dhashay dagaalka socda iyo iney adag tahay in xog dhab ah laga helo Gobolka Bari. Buuraha Galgala ayaa labada kooxood ee Alshabaab iyo Daacish u leh muhiimad Istaraatiiji bacdamaa ey ka dhigtaan dhufays ey weeraro ka soo qaadaan,saldhigna u ah hawalgaladda labada kooxood. Xiisadda Colaadeed ee labada kooxood ka dhex aloosantay ayaa soo kordhisay xaalad cakiran oo markii horaba Gobolka ka jirtay. Alshabaab iyo Daacish ayaa labaduba isku khilaafsan maamulka Puntland oo ilaa hadda aan awoodin iney ka saaraan Buuraha Galgala. Dadaalka maamulka uu ku doonaayo in lagu soo afjaro joogitaanka kooxahan degaanka ayaa la kulmay iska caabin taaso keentay xaalad daba dheeraata oo kacsan. Dagaaladii ugu dambeeyey ayaa waxa ey sii kordhiyeen xiisadda ka taagan Gobolka Bari ee Puntland,waxaane la soo sheegayaa in dhaqdhaqaaqyo labada dhinac wadaan ey jiraan. Xaaladu weli aad ayey u qasan tahay iyadoo ey suurtagal tahay in rabshado iyo xasilooni darri ey mar kale ka dhacaan Aagaas.

ISHA/AA.

Previous
Previous

XILALKA LOO TARTAMAAYO EE URURKA MIDAWGA AFRIKA.

Next
Next

GUDOOMIYE SHEEKH ADAN MADOOBE OO KENYA UGA QEYBGALA SHIRKII…