GUDOOMIYE SHEEKH ADAN MADOOBE OO KENYA UGA QEYBGALA SHIRKII…

(SAWIR)-KA GUDOOMIYEYAASH BAARLAMAANADDA BARIGA AFRIKA.

(NAIROBI)-Wararka ka imanayo caasimadda Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaayo in Af-hayeenadda ka socdo Baarlamaanadda Bulshadda Bariga Afrika(EAC)-da ayaa ballan qaaday iney adeegsan doonaan diblomaasiyadda baarlamaanka si loo kobciyo is-dhexgalka iyo wax ka qabashadda caqabadaha soo food saaray Gobolka. Isagoo ka hadlaayey shirka 17-aad ee xafiiska Jaaliyadda Bariga Afrika ee lagu qabtay magaaladda Nairobi,ayaa dadkii ka hadlay waxa ey isku raaceen in loo midoobo raadinta is dhexgalka,iskaashiga iyo barwaaqadda oo la wadaago. Mudanayaasha ayaa ku shiray magaaladda Nairobi ee dalka Kenya waxaane hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Tanzaniya ahne Gudoomiyaha Midawga Baarlamaanka (Inter-Parliamentary Union) Ackson Tulia. Isagoo si diiran u soo dhaweeyey,Afhayeenka Baarlamaanka dalka Kenya Moses Wetang’ula ayaa muujiyey sida ey Kenya ugu hanweyn tahay ka mid noqoshadda Ururka Bulshada Geeska Afrika(EAC) oo ah midaw uu sheegay inuu u taagan yahay Is dhexgalka Gobolka Geeska Afrika. Waxa uu bogaadiyey guusha daabacaada 13-aad ee ciyaarta Baarlamaanka ee lagu qabtay daka Rwanda isagoo sheegay iney xoojinayso riixitaanka “Horumar,Nabad,iyo EAC loo dhan yahay”. Afhayeenka Aqalka Senitka Kenya Amason Kingi ayaa ka hadlay arrimaha xasaasiga ah ee Colaadaha iyo Isbedeladda Cilimadda ee Gobolka soo wajahay. Amason Kingi ayaa carabka ku adkeeyey doorka Muhiimka ah ee Diblomaasiyadda Baarlamaanka ee soo celinta Nabadda iyo Xasiloonidda Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo oo xubin ka ah EAC-da. Amason Kingi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Waa inaan sii wadnaa inaan geyno Diblomaasiyadda Baarlamaanka mid ka mid ah agabka aan ku raadineyno inaan dib u soo celino nolsha caadiga ahayd ee Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo(DRC)”. Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Tanzaniya Mussa Zungu ayaa ka Tacsiyadeyey dadkii ku waxyeeloobay daadaka iyo dabaylaha ku dhuftay qeybo ka mid ah Bariga Afrika,waxa uuna u mahad celiyey sida Gobolka uu ugu adkeystay Musiibooyinka Dabiiciga ah. Hogaamiyeyaasha kale ee kulanka ka soo qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaay”Joseph Ntakirutimana oo ah Afahayeenka Golaha sharci dejinta ee Bulshada Bariga Afrika, Gelase Daniel Ndabirabe oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Burundi, Mussa Harelimana oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Rwanda, Asuman Basalirwa oo ah wakiilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Ugaandha iyo Sheekh Adan Maxamed Nuur oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS”.

ISHA/WAKAALADO.

Previous
Previous

ALSHABAAB IYO DAACISH OO ISKU FARA SAARAY BUURAHA GALGALA.

Next
Next

WASIIRKA MAALIYADDA XFS Md.Biixi OO KA …