XIL KA QAADIS LAGU SAMEEYEY TALIYIHII HORE DANAB.

(SAWIRKA)-TALIYIHII HORE EE DANAB.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen.Odawaa Yuusuf Raage uu xil ka qaadis ku sameeyey Taliyihii Ciidamadda Gaarka ah ee DANAB ee degaanada maamulka Jubaland Carab Dheeg Axmed,waxaane Taliye Dheeg lagu bedelay sarkaal lagu magacaabo Caarif Hirre Salaad. Sababta keenya in Taliye Dheeg uu xilkiisa waayo ayaa lagu sheegay iney tahay inuu eedeymo culus uu u soo jeediyey DFS ka dib markii ey Dalacsiisay Saraakiil iyo Ciidamo kasoo goostay maamulka Jubaland balse aan la Dalacsiin Saraakiisha iyo Ciidamadda Danab,waxa uuna taageero xoogan u muujiyey Hogaamiyaha maamuka Jubaland Axmed Madoobe kaaso ey hadda is hayaan DFS. Taliye Dheeg oo soo saaray Qoraal ayaa ku yiri”Maanta oo ey Taariikhdu tahay 10/12/24-ka waxaa la iga qaaday xilkii aan u hayey dalka,Diinta iyo dadka Soomaaliyeed kaaso markii horeba DFS ey ii Igmatay,waxaane xilkaan aan soo haayey muddo dhan 4-sano iyo lix bilood”. Waxaa hadda meel adag taagan khilaafka u dhexeeyo DFS iyo Hogaamiyaha maamulka Jubaland Md.Axmed Madoobe,waxayne arrintu taagan tahay inuu dhaco gacan ka hadal dhexmara labada dhinac waqti kasta.

SB-MEDIA.

Previous
Previous

(ANKARA): YAA KA SOO DEBCAY MAWQIFKIISII?

Next
Next

GUD.MADAALE OO XILKII LAGA QAADAY.