GUD.MADAALE OO XILKII LAGA QAADAY.

(SAWIRKA)-GUD,CUSUB.

(MUQDISHO)-WAR DEG DEG AH: War hadda inaga soo gaaray caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Xil ka Qaadis lagu sameeyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ahaa Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Warka ka soo baxay Xarunta looga arrimo dalka Soomaaliya ee VILLA SOMALIA ayaa qornaa sidatan.”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir isla markaasne ahaa Duq caasimadda Muqdisho Md.Madaale waxa uuna xilkaas u magacaabay Md.Maxamed Axmed Amiir oo ah Aqoonyahan ka soo shaqeeyey Arrimaha Dhaqaalaha,Horumarinta Bulshada iyo Maamulka iyo Maareynta. Madaxweynaha ayaa faray Gudoomiyaha Cusub ee G/banaadir iyo Duqa Muqdisho inuu sii dhammaystiro Qorshayaasha Horumarineed ee caasimadda isaga oo mudnaanta siinaayo Horumarinta magaaladda,gaarsiinta bulshada caasimadda doorasho dadweyne,sare u qaadista bilicda caasimadda,baahinta adeegyadda aas-saasiga ah iyo adkeynta Amniga caasimadda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa u rajeeyey Gudoomiyaha Cusub ee G/banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Amiir in rabbi uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday isagoona kula dardaarmay inuu si hufan oo dacadnima iyo hawl karnimo leh ugu adeego bulshada Soomaaliyeed. Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee G/banaadir ahne Duqa caasimadda Muqdisho ayaa ku dhaqan galay Saxiixa Madaxweynaha JFS ee maanta ey Tariikhdu tahay Talaado 10/12/2024-ka”.

ISHA-VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

XIL KA QAADIS LAGU SAMEEYEY TALIYIHII HORE DANAB.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO INGIRIISKA OO KA WADA HADLAY…