SOOMAALIYA IYO INGIRIISKA OO KA WADA HADLAY…

(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO DANJIRE MICHEA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre uu maanta Xafiiskiiska ku qaabilay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Ingiriiska Md.Michael Nithravrianakis,waxa eyna ka wada hadleen iskaashiga iyo danaha guud ee labada dal ee Soomaaliya iyo UK,gaar ahaan Arrimha Amniga,Siyaasadda,la dagaalanka Argagixisadda iyo Doorashooyinka Dadweynaha dib loogu celiyo xaqa ey u leeyihiin iney doortaan hogaankooda. RW-Xamse ayaa Danjiraha la wadaagay in DFS ey ka go’an tahay hirgelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod ah oo ey dadweynuhu ku soo doortaan cidda Hogaamineysa. Danjire Micheal,ayaa dhankiisa sheegay in Dawladda Ingiriiska ey taageereyso Siyaasadda DFS ee ku aadan hirgelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod ah,la dagaalanka kooxaha Argagixisada iyo in Ciidamadda Soomaaliya ey la wareegaan guud ahaan Amniga Qaranka.

Dhinaca kale,Reysal Wasaare ku Xigeenka Labaad ee XFS Md.C/salaan Cabdi Cali(Dhaay) ayaa maanta ka qeybgalay Xuska Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo sannad Guuradii 76-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda aaadanaha. Hal ku dhega sannadkaan ayaa ahaa”XUQUUQDEENA,MUSTAQBALKEENA WAQTIGAAN XAADIRKA AH” taasi oo diiradda lagu saaray ahmiyadda ey Xuquuqda Aadanaha u leedahay nolol maalmeedkeyna si xal loogu helo caqabadaha ku hor gudban Xuquuqda Aadanaha iyo baahidda loo qabo ilaalinta iyo horumarinta Xuquuqda Bulshooyinka. Reysal Wasaare ku Xigeenka labaad Md.Dhaay,ayaa ka hadlay dadaaladda DFS ee ku aadan ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo sidii loo xoojin lahaa is dhexgalka caalamiga ah ee arrimahan la xiriira. Munaasabadaan ayaa waxa ka soo qeybgalay masuuliyiin kala duwan kana kala socotay Golayaasha DFS iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay.

ISHA-OPM

Previous
Previous

GUD.MADAALE OO XILKII LAGA QAADAY.

Next
Next

SHIINAHA DHISAAYO BAARLAMAANKA SOOMAALIYA.