(ANKARA): YAA KA SOO DEBCAY MAWQIFKIISII?

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO RW-ABIY AXMED.

(VILLA SOMALIA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa la filaa inuu maanta oo Talaada ah uu gaaro dalka Turkiga sida ey xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah. Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu diiradda saraayo dhawr arrimood oo muhiim u ah xiriirka Diblomaasiyadeed ee labada dal Soomaaliya iyo Turkiga. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu Martiqaad Rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalka Turkiga Md.Reccep Tayyip Erdogan. Socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu fursad u noqdo wada hadalo fool ka fool ah oo dhexmara Madaxweynaha Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud iyo Reysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed waayo labada masuul ayaa kuwada martiqaadan caasimadda Ankara ee dalka Turkiga si loo xalliyo khilaafaadka diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeyo. Xog hoose ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Erdogan uu dhexdhexaadin doono labada dhinac isagoo isku dayeya inuu soo afjaro xiisadda ka dhalatay Heshiiskii Itoobiya ey la gashay maaulka Soomaliland kaaso ey DFS u aragtay mid liddi ku ah Madax banaanidda Qaranka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay uga horyimid isku dayo ey Madaxda Gobolka ku doonayeen iney wada hadal siiyaan MW-Xasan iyo RW-Abiy, waxa uuna MW-Xasan ku adkeystay inaan Itoobiya wada hadal lala sameyn karin ilaa ey ka laabato Heshiiskii(MOu) ey la gashay Soomaliland. Mawqifka DFS ayaa sii adkeeyey xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal tan iyo markii heshiiskaas lagu dhawaaqay horaantii sannadkaan 2024ka. Dadaaladda uu wado dalka Turkiga ayaa ah kuwa xoogan oo kal hore waxa uu isku dayey inuu is hor fadhiisiyo Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya mana eysan suurtagelin,hadaba Su’aasha loo baahan yahay in loo helo jawaab ayaa ah”YAA MAWQIFKIISII KA SOO DEGAY LABADA DAL?”.

ISHA-RD.

Previous
Previous

WAREEGA 3-AAD EE WADA HADALADDA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.

Next
Next

XIL KA QAADIS LAGU SAMEEYEY TALIYIHII HORE DANAB.