XFS OO LOOGA FADHIYO INEY SHAACISO DADKA…
(SAWIRKA)-RW-XAMSE CABDI BARRE OO WARBIXIN KA DHEGAYSANAY MAAMULKA ISBITALKA ERDOGAN.
(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in la qaaday Tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamaayo Saraakiishii shaqada ku leheed Goobaha la weeraray ee uu ula jeedo Xeebta Liido. RW-Xamse ayaa xalay waxa uu booqday Isbitaalka Erdogan(EX-Digfeer) ee magaaladda Muqdisho si uu u soo arko dadkii ku dhaawacmy weerarkii bahalnimada ahaay ee Khawaarijta Alshabaab ku xasuuqday dhallinyaradii ku sugneed Xeebta Liido,RW-Xamse ayaa sheegay in Xukuumadiisu ey qaaday tallaaboyin adag oo lagula xisaabtamaayo Saraakiishii shaqada ku leheed Goobaha la weeraray kuwaaso qaarkood ey haddaba xiran yihiin. RW-Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in markii lagu jebiyey goobaha dagaalka ey kooxda Khawaarijta beegsadeen dhallinyaradda oo ah Indhihii iyo Mustaqbalkii dalka kuwaaso aan siyaasad shaqo ku leheyn si nabad ahne ugu caweynaayey daalkooda hooyo,taasi waxa ey muujineysaa in Khawaarijta Alshabaab eysan lahayn Diin,Dhaqan iyo Akhlaaq midna,una taagan yihiin dabargoynta Shacabka Soomaaliyeed. RW-Xamse ayaa uga Tacsiyeyey eheladdii iyo asxaaabtii dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido,isagoo ugu duceeyey in ilaaheey naxariisti janno ka waraabiyo kuwa dhaawacmayne u booga dhayo. RW-Xamse ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay iney sii xoojiyaan garab istaaga ey u fidiyeen Ciidamadda iyo Hayadaha Amaanka ee Qaranka si loo ciribtiro Khawaarijta gabalkoodii sii dhacaayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed. Intuu booqashada ku jiray RW-Xamse ayuu la kulmay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii Xeebta Liido,waxa uuna warbixin ka dhegaystay maamulka iyo Takhaatiirta Isbitaalka Erdogan isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. Waxa uu sidoo kale amaanay Ciidamadda Amaanka doorkii ey ka qaateen badbaadinta iyo caawinidda shacabka ey waxyeeladu soo gaartay. Dhinaca kale,DFS ayaa sheegtay in tirada dhimashada ey hadda gaartay ilaa 37-Qof halka dhaawacana uu dhan yahay ilaa 247-Qof,waxaane jira dad qaba dhaawacyo halis ah kuwaaso xaaladooda ey u baahan tahay in dalka dibaddisa loo qaado,dadkaan ayey Wasaaradda Caafimaadka XFS ku sheegtay iney dhan yihiin ilaa 11-Qof.
ISHA/SNTV.