URURKA EAC OO KU MASHQUULSAN WAX KA BEDELKA..

(SAWIRKA)-BAABUUR WADA XAMUUL.

(NAIROBI)-Tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Meey-15-keedii-2022-kii waxa ey dawladiisa ku guulaysatay waxyaabo fara badan oo laga sheegi karo”Cafintii Deynta Caalamku ka lahaay Soomaaliya, Qaadistii Cunaqabateyntii Hubka oo dalka saarneed muddo ka badan sodon sano iyo Ku Biiristii Ururka Bulshada Bariga Afrika ee loo yaqaano(EAC)’. Hadaba dalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxa uu ugu biiray Ururka Bulshadda Bariga Afrika(EAC) taariikhdu markey ahayd 24/11/2023-kii,Ururkaan ayey Soomaaliya waxa ey ka noqotay dalkii sideedaad ee xubin ka noqda waxaane horay uga tirsanaay Ururkaan dalalka kala ah”Burundi, Kenya, Rwanda, K/Sudan, Tanzaniya, Uganda iyo Jamhuriyada Dimuqaradiga koongo”. Ururkaan ayaa leh Qaab dhismeed u eg Xukuumad oo waxa uuna leeyahay Maxkamad, Gole Baarlamaan iyo Gole Wasiiro,dalka Soomaaliya oo dhawaan ku soo biiray Ururka EAC ayaa hadda wada sidii uu ugu heli lahaa hawlwadeeno ku metelo EAC-da, waxa eyna DFS magacawday masuuliyiin qeyb ka ah xilalka EAC-da ka banaan sida Ku Qeybsanaha Arrimaha Xiriirka Bulshada Bariga oo loo magacaabay Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Md.Xil.Cali Balcad, halka maanta loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika ninka la yiraahdo Maxamed Ibrahim Isaaq(Fatiir). Hadaba,Wargayska The East Afrika kana soo baxa dalka Kenya ayaa bogiisa hore waxa uu ku soo daabacay Maqaal uu cinwaan uga dhigay”WADAMADDA XUBNAHA KA AH EAC WAXAY U DHAQAAQEEN INEY DIB U EEGAAN RIIXITAANKA KHIDMADAHA CUSUB EE GANACSIGA KA DHEX JIRA”. Wargayska oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Wadamadda Xubnaha ka ah Ururka Bushada Bariga Afrika(EAC) iney dhammeyaan dib u eegista khidmadaha ey xubnuhu ku soo rogeen Badeecadaha iyo Adeegyada Muhiimka ah ee Gaadiidka iyo Beeraha kuwaaso marar badan gudaha Ururka ka dhaliyey dagaalo Ganacsi iyo Cunaqabateyno Ganacsi ee gobolka dhexdiisa ah. Hagaajinta kharashka Ganacsiga ee Gaadiidka iyo Beeraha ayaa ah wejiga hore ee Qorshaha weyn oo ey sameeyeen masuuliyiinta Gobolka si ey u waafajiyaan qaar ka mid ah Canshuuraha iyo khidmadaha oo gebi ahaanba meesha laga saaro kuwa ey u arkaan sicir barar iyo takoor ee todoabada dal oo laga reebay Soomaaliya oo ey ku jiraan Gaadiidka,Beeraha,Degaanka,Ganacsiga,Maaliyadda,Tamarta iyo Dalxiiska.

ISHA/EA.

SII AKHRI.

Previous
Previous

XFS OO LOOGA FADHIYO INEY SHAACISO DADKA…

Next
Next

XUKUUMADDA YEMAN OO BAYAAN KA SOO SAARTAY ….