XUKUUMADDA YEMAN OO BAYAAN KA SOO SAARTAY ….
(SAWIRKA)-BAYAAN EY SOO SAARTAY DAWLADDA YEMAN.
(ADEN-YEMAN)-Wararka aan ka heleyno magaaladda Cadan ee ah caasimadda ku meel gaarka ah ee dalka Yeman eyna fadhido Xukuumadda Yeman ee Caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegaayo in Xukuumadda ey Bayaan cad ka soo saartay weerarkii lagu hoobtay ee ka dhacay Xeebta Liido ee magaaladda Muqdisho habeekii Jimcaha Sabtiduna ey soo geleysay,weeraraas waxashnimada ah ayaa waxaa sheegtay kooxda Khawaarijta Alshabaab ee baneysatay dilka dadka shacabka ah,hadaba Xukuumadda Yeman bayaanka ey soo saartay ayey ku sheegtay in Dawladda Yeman ey si kulul u Cambaareyneyso Weerarki Argagixiso ee lagu qaaday Xeebta Liido ee degmada C/casiis ee caasimadda Soomaaliya,weerarkaas oo gaystay khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yeman ayaa war qoraal ah oo ey soo saartay Axadda maanta ah ku tiri”Jamhuuriyadda Yeman Mawqifkeeda adag ee ey ku diidan tahay dhammaan noocyadda rabshadaha iyo Argagixisanimadda”,iyadoo ku celisay “Yeman waxay garab taagan tahay dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhammaan talaabooyinka ey qaadeyso. Waxay qaadatay ilaalinta Amnigeeda iyo Xsiloonideeda”. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yeman ayaa sheegtay iney Tacsi u direyso Qoysaska iyo eheladda dadkii ku dhintay weerarkii Argagixisanimo,waxaane ey u rajaynaysaa caafimaad deg deg ah kuwa ku dhaawacmay. Weerarki Khawaarijta Alshabaab ey Xeebta Liido iyo Hotel Beach View oo dhacay Jimcihii ayaa waxaa ku geeriyooday 32-Qof waxaane ku dhaawacmay 63-Qof oo kale,sida uu sheegay afhayeenka Booliska Soomaliyeed. Dawladda Soomaaliyeed ayaa in mudda ahba waxa ey waday dagaal ka dhan kooxda Khawaarijta Alshabaab oo la aasaasay sannadkii 2004-tii isla markaasne gacan saar la leh Kooxda Argagixisadda caalamiga ah ee AL-Qaacidda kuwaaso sheegtay masuuliyadda qaraxyo galaafta nolosha dad fara badan oo shacab iyo askar boolis ah.
ISHA/SB-MEDIA.