XAALADDA ROOBABKA GEESKA AFRIKA OO LAGA DIGAY,SABABTA?

(SAWIRKA)-ABAARAHA KA DHACAY GEESKA AFRIKA.

(NAIROBI)-Marka la soo hadal qaado xaaladda Cimiladda wadamadda Geeska Afrika waxaa isla markii soo xusuusaneysaa dalalka dhaca Geeska Afrika ey Soomaaliyana ka mid tahay,waxaa kaloo xusuusta qofka Soomaaliga ah ku soo dheceyso dagaaladda iyo Abaaraha ragaadiyey Wadamadda dhaca Geeska Afrika,hadaba Gobolka Geeska Afrika sidee ayey u saameysay isbedelka Cimiladda?. Geeska Afrika waxa uu la kulmi doonaa Roobab ka Hooseeyo Celceliska inta lagu jiro xilliga Roobaadka bilaha Oktoobar ilaa Disembar-2024-ka,taaso keeni karta xaalado Abaareed,Hayadaha Caalamiga ah ayaa arrinkaas ka digay Jimcihii. Hayaddaha ey ka mid yihiin Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Cunnada Adduunka(WFP),Xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan isku xirka Arrimaha Bani’adanimada iyo Xarunta Saadaasha Cimiladda iyo Codsiyadda(ICPAC) ee Ururka Bariga Afrika ee Urur Gobleedka IGAD ayaa digniin ey soo saartay ku sheegtay. Nuucyada Cimiladda ayaa la saadaaliyey iney u gudbi karaan Xaaladaha La Nina lagu jiro qeybta labaad ee sannadkan 2024-ka taaso keeni karta Roobab ka hoseeyo Celcelis ahaan kuwii horay u di’i jiray. “Saameynta ugu badan ayaa laga filayaa in laga dareemo Bartmaha iyo Koonfurta Soomaaliya,Koonfurta Itoobiya iyo dhulka Oomanaha ah ee dalka Kenya”ayey Hayaduhu ku sheegeen digniintooda ey ka soo saareen magaaladda Nairobi caasimadda dalka Kenya. Wadamadda kale ey saameyn doonto ayaa waxaa ka mid ah’Ugandha,Ruwaanda,Burundi iyo Tanzaniya”,wadamadaan ayaa la filaa in xilli roobaadkooda labaad uu ku beegan yahay bilaha Oktoobar ilaa Disembar.

ISHA/EA.

SII AKHRI.

Previous
Previous

BANGAALADESH: RW-SHEKHA XASINA OO IS CASISHAY..

Next
Next

XFS OO LOOGA FADHIYO INEY SHAACISO DADKA…