XAMAAS OO QABATAY QALAB WAX LAGU BASAASO.
(SAWIRKA)-MAXAABIIS REER ISRAEL AH.
(GAZA)-Tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan 2025-ka waxaa socotay Xabad joojin iyo Maxaabiis isdhaafsi u dhexeeyey Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil ka dib markii labada dhinac ey gaareen heshiis bilaw ah waxna looga qabanaayo dhibaatadii uu geystay dagaalka lagu hoobtay ee ka dhacay Marinka Gaza. Xarakadda Xamaas oo garab ka mid ah Garabyada Falastiin ka dagaalanta ee hubeysan ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay iney gacanta ku dhigeen Qalab wax Basaasa oo ey Isra’iil leedahay kaaso laga helay Goob la isku dhaafsado Maxaabiista. Madal ey Falastiiniyiintu leeyihiin oo ku yaalo Marinka Gaza ayaa maanta oo Khamiis ah shaaca ka qaaday in Aaladaha wax Basaasa ee Isra’iil lagu qabtay Marinka Gaza “taaso qeyb ka ah isku dayga lagu raadinaayo macluumaad Maxaabiista reer Isra’iil”. Sida ey sheegeen ilaalada,bayaan ey soo saartay Xarunta Warfaafinta ee Falastiin ayaa lagu sheegay in “Aaladaha wax Basaasa ey leedahay Isra’iil lagu dhejiyey goobo kala duwan,waxaane lagu qabtay goobo kala duwan oo ey ka socdeen hawlgallo iska caabin ah oo firfircoon,gaar ahaan intii lagu guda jiray wareejinta todobada qeybood ee Maxaabiista Isra’iil oo qeyb ka ah wejiga koowaad ee heshiiska Xabad Joojinta”. Madashu waxa ey soo xigatay sarkaal ka tirsan laamaha amaanka oo tiri”Iyadoo la eegaayo falanqeynta farsamo iyo mid hawleedba waxay farsamayaqaanadu ku qiyaaseen in aaladaha wax Basaasa ee la qabtay lagu rakibay diyaarado yar-yar oo ah nuuca loo yaqaano QUADCOPTER,xilliyada afurka,Suxuurta iyo xilliyadda dambe ee habeenkii si ey uga hawlgalaan una hagaan diyaadaha wax duqeya. Madashu waxay sidoo kale ugu baaqday in “Falastiiniyiinta Marinka Gaza iney feejignaadaan oo ey taxadaraan,oo ey raacaan talaabooyinka Amniga ee lagama maarmaanka ah sida in si joogta ah loo nadiifiyo saqafka guryaha,dhismayaasha,Teendhooyinka iyo ka fogaanshaha ka hadalka arrimaha ciidamadda Mileteriga ama kuwa Amniga Falastiin meelaha aan nabada ahayn,ka fogaada shey kasta oo aad ka shakisiin,ka fogaada inaad ku hadashiin kuwa aad ka shakisiin oo u soo sheega hayadaha Amaanka”. Madashu waxaa kaloo ey sheegtay in QUADCOPER-ku inuu dul heehaabayey Minaaradda Masjidka AL-Qasaam ee Xerada Nuseyraat,isagoo ku soo beegmay Salaadii Maqrib,ujeedkiisuna ahayd xog ururin”. Wejigii koowaad ee heshiiska Xabad Joojinta ee u dhexeeyey Isra’iil iyo Xamaas ayaa soo dhammaaday 1-dii bishaan Maarso-2025-ka,halka Isra’iil ey diiday iney gasho Wejiga labaad taaso si hufan u dhiganta in dagaalka Marinka Gaza lagu soo afjaro. Maalmihii la soo dhaafay ayaan wax heshiis ah laga gaarin wejiyadda dambe,waxaane weli taagan khilaaf xoogan oo ka dhashay qodobada wejiga labaad ee la filaayey.
ISHA-AA.