DAGAAL LAGA CABSI QABO INUU DHEXMARO ITOOBIYA IYO ERI..
(SAWIRKA)-DAGAALKII ERITEREEYA IYO ITOOBIYA.
(NAIROBI)-Itoobiya iyo Eritereeya oo muddo dheer col ahaa ayaa laga yaabaa iney u jiheysteen dagaal, sidaas waxaa ka digay mas'uuliyiinta Gobolka Itoobiya ee xiisadda udub dhexaad u ah, taasoo halis gelinaysa masiibo bini'aadanimo oo kale oo ka dhacda Geeska Afrika. Isku dhacyada tooska ah ee u dhexeeya labada ciidan ee ugu waa weyn Afrika waxay calaamad u tahay dhimashada kumanaan qofood,isku soo dhawaanshaha taariikhiga ah ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Noble Peace Prize 2019, waxaana laga yaabaa inuu soo jiito quwadaha kale ee Gobolka, falanqeeyayaasha ayaa sidaas leh. Waxa kale oo ey u badan tahay iney dhibaato kale ka abuurto Gobolka, waxa eyna dhimis ku keeni kartaa gargaarka eyna sii adkeyso dadaallada lagu caawinayo malaayiinta ey saameeyeen iskahorimaadyada gudaha ee Suudaan, Soomaaliya iyo Itoobiya. "Dagaal kasta oo u dhexeeya Itoobiya iyo Eritereeya wuu qarxi karaa," General Tsadkan Gebretensae, oo ah Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Gobolka Tigray ee Itoobiya, ayaa ku qoray majaladda Africa Report Isniintii. Dagaal sokeeye oo ka dhacay Tigray-da 2020-2022 ee u dhexeeya Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay boqolaal kun oo qof. Cabsida laga qabo colaad cusub ayaa lala xiriirinayaa kooxda TPLF oo sanadkii hore u kala jabtay kooxo hadda maamusha Tigray una wacan Dowladda Federaalka Itoobiya iyo koox kale oo kasoo horjeeda. Talaadadii, kooxda mucaaradka ah, oo Tsadkan ku eedeeyay inay raadinayso isbahaysi ay la yeelato Eritereeya, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Adigrat ee Waqooyiga. Getachew Reda, Madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee Tigrayga, ayaa isna dhankiisa ka codsaday dawladda in ay taageero ka geysato mucaaradka, kuwaas oo diiday in ay xiriir la leeyihiin Eritereeya. “Waxaa jirta cadaawad cad oo u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea,” ayuu Getachew ku sheegay shir Jaraa’id oo uu qabtay Isniintii. "Waxa i quseeya ayaa ah in dadka Tigray-ga laga yaabo in ay mar kale dhibanayaal u noqdaan dagaal aysan rumaysnayn."
'WARQAD QALALAN OO SUGEYSA KABRIID:'
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaan ka hadlin xiisadaasi. Wasiirka Warfaafinta ee Eritereeya ayaa ku gacan seyray digniinta Tsadkan oo uu ku tilmaamay "cilmi-nafsi dagaal-abuur ah". Si kastaba ha ahaatee, Eritereeya waxay amartay abaabul ciidan oo dalka oo dhan ah bartamihii bishii Febraayo, sida ay sheegtay Concern Human Rights Concern-Eritrea oo fadhigeedu yahay UK. Waxayna Itoobiya ciidamo geysay xadka Eritereeya bishan, laba ilo diblomaasiyadeed iyo laba sarkaal oo Tigray ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters, iyagoo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriirta xasaasiga xaaladda.Reuters si madax banaan uma xaqiijin karto horumarkan. Eritereeya iyo Itoobiya af hayeenka kama aysan jawaabin codsiyada faallooyinka. Payton Knopf iyo Alexander Rondos, ergeygii hore ee Maraykanka iyo Midowga Yurub ee gobolka, ayaa sheegay in rajada dagaal cusub ay tahay mid dhab ah. "Xaaladda Siyaasadda iyo Ammaanka oo sii xumaanaysa ee Tigray waa mid u eg Warqad qalalan oo sugaysa Kabriid," ayay ku qoreen qoraal ay daabacday Siyaasadda Dibadda Mareykanka Arbacadii. Xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya ayaa muddo dheer soo jiitamayay. Eritrea ayaa ka go'day Itoobiya 1993-kii ka dib 30 sano oo ay u dagaalamaysay xornimo. Dariska ayaa markaas ku dagaalamay 1998-2000 dagaal xuduudeed. Waxay si rasmi ah dagaalka ugu jireen ilaa 2018-kii, markaasoo Abiy iyo Madaxweynaha Eritereeya Isaias Afwerki ay ku heshiiyeen inay caadi ka dhigaan xiriirkooda. Ciidamada Eretereeya ayaa xitaa taageerayay Ciidamada Federaalka Itoobiya ee ka soo horjeeday Jabhadihii TPLF ay hogaaminaysay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Tigray. Laakin ka saarista Eritereeya ee wada xaajoodka nabadeed ee xigay ayaa mar kale qaboojisay xiriirkii. Saraakiisha Eritereeya ayaa si weyn uga soo horjeestay ku dhawaaqistii dadwaynaha ee soo noqnoqday ee Abiy tan iyo 2023-kii ee ahaa in Itoobiya aan bad lahayn ay xaq u leedahay inay galaan badda, faallooyinka falanqeeyayaasha qaar ayaa u arka hanjabaad cad oo tillaabo militari ah oo ka dhan ah Eritereeya, oo ku taal Badda Cas. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Eritereea, oo ah dal kaligii talis ah, ayaa heshiis dhanka ammaanka ah la saxiixatay Masar iyo Soomaaliya, kaas oo loo arkayay in looga gol leeyahay ka hortagga damaca Itoobiya ee dhul ballaarsi.
ISHA-EA.