QARAMADA MIDOOBE OO BAYAAN KA SOO SAARATAY…
(SAWIRKA)-SYRIA.
(SYRIA)-Diblomaasiyiin ayaa shaaca ka qaaday in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu Ansixiyey Bayaan uu ku Cambaareynaayo rabshadaha baahsan ee ka socda Gobolka Xeebta ee dalka Suriya,waxaane loogu baaqay maamulka ku meel gaarka ah ee dalka Suriya iney ilaaliyaan dhammaan dadka Suuriyiinta ah,iyadoo aan loo eegin Qawmiyadooda iyo diintooda. Bayaanka oo si wadajir ah loogu heshiiyey ayaa si rasmi ah loo meel marin doonaa gelinka dambe berri oo Jimca ah,sida ey diblomaasiyiintu hadalkooda raaciyeen. Sidoo kale, waxaa la sheegay in maamulka ku meel gaarka ah ee dalka Suriyaey waajib ku tahay iney la xisaabtamaan kuwa geystay dilalka ballaaran, sida lagu sheegay war ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo ey soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa ugu baaqay dhammaan dawladaha Caalamka iney ilaaliyaan Madax Banaanida iyo Madax Banaanida dhuleed ee dalka Suriya kana fogaadaan wax kasta oo khalkhal gelin kara Xasiloonida dalka Suriya. Xasuuqa ey sheegeyso Qaramada Midoobe ayaa waxa uu ka dhacay AL-Laadiqiyaha iyo Tartuus oo ah dhula dhinaca ku haayo Xeebta.
ISHA-AA.