MW-TRUMP OO SENITAR KU TILMAAMAY FALASTIINI.

(SAWIRKA)-SENITAR SCHUMER.

(USA)-Ururada u dooda Xuquuqda Muslimiinta iyo Yahuuda dalka Maraykanka ayaa maanta oo Arbaca ah waxa ey Madaxweyne Donald Trump ku dhaleeceeyeen inuu ku tilmaamay Senator Chuck Schumar oo ah xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Dimuqaraadiga ee Senat-ka inuu yahay Falastiini,iyagoo sheegay in Madaxweynaha eraygaasi u adeegsaday Aflagaado. Kulan ka dhacay Aqalka Cad Arbacada maanta ah, Trump waxa uu ugu jawaabay su’aal Wariye weydiiyey kuna saabsaneed Siyaasadd canshuuraha Shirkadaha isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay diidmada Xubnaha Xisbiga Dimuqaraadiga ee ka tirsan Koongareeska si ey taageeraan Ajandihiisa. Trump ayaa yiri”Senator Schumer waa Falastiini aragtideyda,waxa uu noqday Falastiini,mar ayuu ahaa Yahuudi, hadase ma aha Yahudi oo Falastiini”. Senator Schumer ayaa ah Sarkaalka ugu sareeyo ee Yahuuda laga soo doorto Maraykanka mana laha asal Falastiini ah.“Isticmaalka Madaxweyne Trump erayga Falastiini oo ah Aflagaado,isir Neceyb ah waa meel ka dhac,waxa uuna hoos u dhigay Xafiiskiisa”,ayuu yiri Nihaad Cawad, Madaxa Fulinta ee Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka. Nihad Cawad oo asal ahaan ka soo jeedo Falastiin ayaa intaas ku daray in hadalka Trump uu muujinaayo “Sii socoshada Xumeynta dadnimada dadka reer Falastiin”. Amy Spitalnick oo ah Madaxa Golaha Arrimaha Bulshada ee Yahuda iyo Haley Soifer oo ah Madaxa Golaha Dimuqaraadiga Yuhuda Maraykanka ayaa iyaguna cambaareeyey hadalka Madaxweyne Trump.

ISHA-AA.

Previous
Previous

XAMAAS OO QABATAY QALAB WAX LAGU BASAASO.

Next
Next

DUQEYN LAGU DILAY LABA HORJOOGE.