DUQEYN LAGU DILAY LABA HORJOOGE.
(SAWIRKA)-WAR SAXAAFADEEDKA NISA.
(SH/HOOSE)-Wararka laga helaayo gobolka Shabeeladda Hoose ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaayo in halkaasi laga fuliyey duqeyn dhinaca cirka ah taaso lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda AL-shabaab,waxayna Haydda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka sheegtay induqeyntaasi lagau dilay laba Horjooge oo kooxda ALshabaab ah. War Saxaafadeed ka soo baxay Hayadda NISA ayaa lagu sheegay in Hawlgalka ka dhacay degaanka Jambaluul ee Gobolka Sh/Hoose lagu dilay laba Horjooge iyo dhammaan ilaaladoodii la socotay waqtiga ey dheceysay duqeynta. Horjoogayaasha lagu dilay duqeynta ayaa magacyadooda lagu kala sheegay in la kala yiraahdo”Farxaan Cismaan Xasan” oo loo yaqaan amaba magaciisa Alshabaab looga yaqaan uu yahay JACFAR KARUUR. Ninkaan ayaa kooxda Alshabaab u qaabilsanaay Qaraxyadda lagu aafeey shacabka ku nool Goboladda Banaadir iyo shabeeladda Hoose iyo Axmed Gumaar oo ahaay Madaxa Maaliyadda u qaabilsan kooxda Alshabaab ee G/Shabeeladda Hoose. Hawlgalka ey NISA ku dishay labadaan Horjooge ayaa qeyb ka ah hawlgallo mudooyinkaan dambe lagu beegsanaayey Horjoogayaasha iyo Maleeshiyadda kooxda Alshabaab.
ISHA-SB-MEDIA.