XAL LAGA GAARAY DAGAALKII MUDUG.
(SAWIRKA)-GALBEEDKA MUDUG.
(GALKACYO)-Wararka laga helaayo magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in lagu guulaystay in xabad joojin la kala dhex dhigo beelihii ku dagaalamay qeybo ka mid ah Gobolka Mudug,waxaane la kala qaaday labadii maleeshiyo ee halkaasi uu dagaalka ku dhexmaray. Sida ey sheegeen Goobjoogayaal,xabad joojinta waxaa gacan ka gaystay labada maamul Goboleed ee kala ah Galmudug iyo Puntland kuwaaso ciidamo isku dhaf kala dhexdhigay maleeeshiyaadkii dagaalamaayey. Goboladda dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa ah meelaha ugu xun uu si joogta ah uga dhaco dagaal beeleedka kaaso intiisa badan loo sababeeyo inuu salka ku haayo Aano Qabiil balse ey dhici karto ineysan ka marneyn arrimo siyaasadeed ey gadaal ka riixayaan dad leh dano gaar ah amaba kooxda Alshabaab oo rabta iney isaga yareyso culeyska ka kaga imaanaayo dhinaca Dawaladda Federaalka oo weerar ku ah goobaha ey kooxdu ka degan tahay Bariga Galgaduud iyo Koonfurta G/Mudug. Bishii hore ayey ahayd markii laba beelood oo wada degta Galmudug ey isku dagaaleen degaanka Xeraale kuwaaso ilaa hadda loo fadhiyo xallinta colaadooda magaaladda Dhuusamareeb caasimadda Galmudug.
ISHA/BBC-SOMALI.