$5000-DOOLAR OO LA DUL DHIGAY MADAXA LSHABAAB.
(SAWIRKA)-GENDAYAX OO KU SUGAN DAARUL-NICAM.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed uu balan qaaday cid kasta oo keenta madax Xubin ka mid ah Alshabaab in la gudoonsiin doono lacag dhan shan kun oo doolarka Maraykanka ah. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xooga dalka Soomaaliyeed Gen.Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta gaaray Degmada AL-Kawthar iyo degaanka Daarul-Nicma ee Gobolka Shabeeladda dhexe,Taliyaha ayaa halkaas waxaa ku soo dhaeeyey saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Hogaamiyeyaasha Ciidanka degaanka ee Macaawiisleyda. Taliyaha ayaa khudbad dhiirigelin ah u jeediyey Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ee ku suagan aaga hore ee Degmada AL-kawthar iyo degaanka Daarul-Nicam ee G/shabeeladda dhexe. Sidoo kale,taliye Dayax ayaa balanqaad uu ka siday madaxda sare ee dalka la wadaagay dhiiranayaasha dhaxanta u taagan difaaca Qaranka,waxa uuna u sheegay in cid kasta oo soo disha dhaagar qabe Alshabaab ah la gudoonsiin doono $5000-doolarka Maraykanka ah,halka loo qiimeyn doono agabka ey soo furtaan. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen.Dayax ayaa saraakiisha ciidanka Xooga dalka iyo kuwa degaanka kula dardaarmay in la sii laba jibaaro hawlagaladda ka dhanka ah Alshabaab.
ISHA.SNTV.