RW-XAMSE OO LA KULMAY MW-C/LADHIIF RASHIID.
(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO MW-RASHIID.
(BAQDAAD)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah waxa uu la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq Md.C/ladhiif Jamaal Rashii. Reysal Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyey Qasriga Baqdaad ayaa gaarsiiyey Madaxweyne C/ladhiif dhambaal iyo fariin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud isagoo la wadaagay horumarka ey ku talaabsadeen shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed. Madaxweynaha dalka Ciraaq Md.C/ladhiif Rashiid oo soo dhaweeyey booqashadda Reysal Wasaaraha Soomaaliya Md.Barre ayaa ku tilmaamay booqashadiisa mid wanaagsan oo lagu xoojinaayo xiriirka labada dal laguna balaarinaayo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Argagixisadda iyo deeqaha Waxbarashadda ee ardayda Soomaaliyeed u aadaan Jaamicadaha dalka Ciraaq. Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Ciraaq ee dhinacyadda kala duwan si loo adkeeyo Amniga,Nabadda iyo Xasiloonidda Gobolka.
ISHA/SNTV.