RW-XAMSE OO BAQDAAD KULA KULMAY…

(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO NUUR AL-MAALIKI.

(BAQDAD)-Waxaa weli booqasho rasmi ah dalka Ciraaq ee eynu walaalahanahay ku joogo Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdi culus uu hogaaminaayo,maanta oo ah Axad ayaa wafdiga u ah maalintoodii labaad ey ku sugan yihiin dalka Ciraaq,waxa eyna Xafiiskiisa kula kulmeen Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Md.Maxamed AL-Sudaani,kulanka labada masuul ayaa looga hadlay seddex Qodob ey ka mid yihiin: (1)-Xoojinta calaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq gaar ahaan sidii loo cusbooneysiin lahaay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeyey labada dawladood kuwaaso isugu jira arrimaha Beeraha,Xoolaha,Ganacsiga,Dhaqaalaha Waxbarshadda,Caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha IWM. (2)-Amniga,qodobkaan ayaa ah mid si weyn dalka Soomaaliya uga anfacaayo iney la kaashato wadanka Ciraaq waayo labada dal ayaa isaga eg waxyaabo badan sida burburkii ku yimid dawladihii ka dhisnaay labada dal iyo la dagaaanka Argagixisada. Xukuumadda DanQaran ayaa ahmiyad gaar ah waxa ey siineysaa sugidda Amniga dalka iyo la dagaalanka kooxda Alshabaab. (3)-Reysal Wasaare Xasme ayaa dhigiisa Ciraaq AL-Suudaani waxa uu la wadaagay horumarka ey sameeysay Xukuumadiisa gaar ahaan guulihii laga gaaray Deyn Cafinta,ka qaadistii Cunaqabateynta Hubka iyo ku biiristii Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da iyo guulaha la taaban karo ee laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee gacan saaraka la leh Ururka Argagixisadda Caalamiga ah ee ALQAACIDDA,xubin ka noqoshadda Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe. Dhinaca kale,RWXamse cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Ciraaq Md.Muxsin AL-Mandalaawi,labada masuul ayaa si guud uga wada hadlay xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Ciraaq,waxa eyna isla soo qaadeen sida ey muhiim u tahay in la soo nooleeyo xiriirkii qotada dheeraay ee ka dhexeeyey labada dal Soomaaliya iyo Ciraaq waqtigii ey jirtay Xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya. RW-Xamse ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay Reysal Wasaarihii hore ee dalka Ciraaq Md.Nuur AL-Maaliki oo hadda ah Hogaamiyaha Xisbiga AL-Dacwah ee dalka Ciraaq,waxayne si gaar ah uga hadleen labada masuul la dagaalanka Argagixisadda culeyska ku haysa nolosha shacabka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

ISHA/OPM.

Previous
Previous

XAL LAGA GAARAY DAGAALKII MUDUG.

Next
Next

GUDOOMIYE MADAALAE OO KA QEYBGALAY SHIR…