GUDOOMIYE MADAALAE OO KA QEYBGALAY SHIR…
(SAWIRKA)-AMNIGA MQDISHO OO LAGA SHIRAY.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto.Sulub Axmed Firin iyo Gudoomiyaha G/Banaadir isla markaasne ah Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) iyo ku simaha Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka(NISA)-Md.Muxyadiin Warbac Shadoor ayaa shir gudoomiyey shir looga hadlaayey dardargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Shirkaan oo ey goobjoog ka ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Md.Maxamed Axmed Diiriye(Yabooh)iyo saraakiisha u xilsaaran amniga magaaladda Muqdisho ayaa warbixin la xiriirta dhinaca Amniga waxaa looga dhegaystay Hayadaha kala duwan ee Amniga,kuwaaso soo bandhigay isbedelka ku dhacay Amniga caasimadda Muqdisho. Gudoomiyaha G/Banaadir ahne Duqa caasimadda Muqdisho Md.Madaale ayaa ku amaanay saraakiisha laamaha Amniga sida ey habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka mawaadiniinta Soomaaliyeed,isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo Amniga ey ku nool yihiin shacabka ku nool caasimadda Muqdisho.
ISHA/SNTV.