XAALKA SUDAN IYO KENYA OO CIRKA ISKU SHAREERAY.

(SAWIRKA)-DAWLADDA SUDAN OO U YEERTAY SAFIIRKEDII KENYA.

(NAIROBI-KENYA)-Dowladda Sudan ayaa u yeeratay Safiirkeeda u fadhiya dalka Kenya maanta oo Khamiista ah iyadoo kaga soo horjeedo dawladda Kenya oo caasimadda Nairobi ku martigelinayso cadawgeeda milatariga ah oo isku diyaarinaayo inuu dhisto maamul ka soo horjeeda dawladda Sudan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa u yeertay Ergaygeeda “Si la-tashiyo looga soo horjeedo Kenya oo martigelineysa shirarka Maleeshiyaadka fallaagada(RSF) iyo xulafadeeda tallaabo kale oo cadawtinimo ah oo ka dhan ah Suudaan,” ayaa lagu yiri Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Dowladda Sudan ee SUNA. Munaasabad si heer sare ah loo soo Agaasimay oo ka dhacday magaalada Nairobi todobaadkan, ayaa Ciidamada Taageerada Deg-degga ah, ee dagaalka kula jira Ciidanka caadiga ah ku dhawaad ​​labo sano, waxa ey sheegeen in ey saxiixi doonaan Axdi Aasaasi ah oo horseedi doona in la dhiso “Dowlad Nabad iyo Midnimo”. War Qoraal ah oo ey horey u soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Kenya William Ruto inuu qaatay “Mawqif ceeb ah isagoo qaatay isla markaana dhiirigeliyay shirqool” Xadgudub ku ah Madax-banaanida dalka Suudaan. Ilo ku dhow kuwa wada qabanqaabada kulanka RSF ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in Saxiixa Axdiga oo markii hore la qorsheeyay Talaadada dib loo dhigay ilaa Jimcaha. Dagaalka u dhexeeya Ciidanka dawladda Sudan iyo RSF-ta oo Qarxay Abriil 2023 ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, waxaana ku barakacay in ka badan 12 Milyan oo qofood. Waxay dalka u kala jabisay laba qaybood, oo ey ciidanku ka taliyaan Waqooyi iyo Bari, halka RSF ey haysato ku dhawaad ​​dhammaan Galbeedka iyo dhulalka koonfurta. Weeraro is daba joog ah oo sanadkan dhacay, ayaa ciidamadu waxa ey dib ula wareegeen gacan ku haynta caasimadda Khartoum iyo sidoo kale Gobolka Al-Jaziira oo dhanka Koonfureed kaga beegan. Isku diyaarinta RSF ey ku dooneyso in ey ku soo dhisto dowlad ka soo hawlgasha dhulalka ey ka taliso ayaa ku soo aadeysa xilli ey dooneyso iney ku sii adkeyso gacan ku heynta Gobolka Darfur ee Galbeedka Suudaan, halkaasi ey ku taallo magaalada El-Fasher iyo nawaaxigeeda ey gacanta ku hayaan ciidamada. Afhayeen u hadlay Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Arbacadii ka digay in tallaabadani ey “kordhin karto kala qaybsanaanta dalka oo ey halis ugu jirto inay dhibaatadan ka sii xumaato.”Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa Arbacadii difaacday Martigelinteeda Munaasabadda RSF, iyadoo sheegtay in ey "Waafaqsan tahay doorka Kenya ee Wada-xaajoodyada Nabadda" oo ey isku dayday in ey noqoto dhexdhexaadiyaha labada dhinac. Dowladda ey taageerto ciidamada ayaa ka jawaabtay eedeynta Madaxweynaha Kenya Khamiista inuu ku dhaqmayo "Danahiisa Ganacsi iyo kan Gaarka ah ee Maalgeliyayaasha Gobolka."

ISHA-AFP

Previous
Previous

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY DALKA..

Next
Next

MURAN LA GELIYEY BANDHIG FANEEDKA HABOON NUURA.