MURAN LA GELIYEY BANDHIG FANEEDKA HABOON NUURA.

(SAWIRKA)HABOON NUURA.

(HARGEYSA)-Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa ka noqday go'aan uu isla maanta soo saaray oo uu ku sheegay inuu gebi ahaanba joojiyey bandhig faneedyada iyo cawaysyada xilliyada habeenkii lagu qabto Magaalada Hargeysa.

Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa BBC-da u xaqiijiyey in ey ka noqdeen go'aanka ey soo saareen ee ahaa in aan Hargeysa lagu qaban karin Bandhig faneed. Go'aankan oo hadal hayn badan ka dhaliyey bulshada dhexdeeda ayaa waxa uu soo baxay saaka subaxii hore.

Maxaa beddelay go'aanka Guddoomiyaha?

Warqad shalay ka so baxay xafiiska Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa lagu mamnuucay bandhig faneedyada Hargeysa lagu qabto. Warqadaas ayaa lagu farayay Hoteelada Hargeysa in la joojiyo bandhig faneedyada lagu qabto halkaasi. "Waxa la farayaa labada taliye qaybeed in laga bilaabo maanta oo ey bishu tahay 20/2/2025, dhammaan huteellada Hargeysa laga joojiyo cawaysyada iyo bandhig-faneedyada, maadaama oo ey liddi ku tahay Diinteena Islaamka iyo dhaqanka Suubban," ayaa lagu yiri amarka kasoo baxay Guddoomiye Cadaad. Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo BBC la hadlay ayaa qiray in go'aankaas hore uu isagu soo saaray balse uu imika ka laabtay. Bayaankii hore ee bandhig faneedyada aan ku joojiyay waa ka noqday ayuu yiri Mr Axmed Cadaad. Waxaa uu sheegay in go'aankii hore uu ahaa mid uu ku ilaalinayo Anshaxa iyo Diinta Islaamka, balse si kale loo fasirtay. "Markii hore anigaa soo saaray go'aankaas oo waxaan ku saleynayay anigoo eegaya ka barasaab ahaan in aan ilaaliyo Anshaxa iyo Asluub Wanaagsan iyo dhaqan Wanaaga" ayuu yiri barasaabka. Balse waxaa uu sheegay in qabashada Bandhigga ey ku xireen shuruudo ey ka mid tahay in aan ilaa saqda dhexe lagu gaarin. Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex ayaa dhanka kale sheegay in laga tashan doono qaabka ey noqonayaan bandhig faneedyada mustaqbalka lagu qaban doono magaalada Hargeysa. "Bandhig faneedyadan dambe iyagana go'aan ayaa laga soo saari doonaa dowladda ayaa ka tashan doonta sida loo qabanayo, habka loo qabanayo, ogolaanshiyahooda dawladda ayaa talo Qaran ka gaaraysa" ayuu yiri Mr Axmed. “MURANKA KU XEERAN BANDHIG FANEEDKA HABOON NUURA”. Fannaanadda lagu magacaabo Haboon Nuura ayaa waxaa bandhig faneedyadeeda mudooyinkii ugu dambeeyey hareeyey muran xoogan. Bandhig ay ku qaban lahayd magaalada Muqdsho ayaa la baajiyay ka dib is-qabqabsi dheer. Fanaanada ayaa imika ku sugan magaalada Hargeysa halkaasi oo lagu wado in bandhig faneed ey qabto maalmaha soo socda. Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in maadaama go'aanka loo qaatay in looga hortagayay fanaanad bandhig faneed ku qaban rabtay Hargeysa uu hadda fanaanadaasi uu u fasaxay qabsashada bandhig faneedkeeda. "Go'aanka cusub waxaa uu yahay in anigoo eegaya inantaa laga soo celiyay Xamar ee loo diiday iney halkaas wax ka sameysato darteed waa koow, iyo iyada oo loo qaatay inaan gobol gaar ah u jeedo ayaa waxaan qaatay go'aan ah inaan inantii u fasaxo iney bandhigeedii qabsato" ayuu intaa ku daray Mr Axmed. Markii uu soo baxay go'aankii hore ee Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa waxaa ka dhashay fal-celino badan oo ey dadka qaarkooda kaga soo hor jeesteen. Magaalada Hargeysa ayaa Hormuud u ah magaalooyinka caanka ku ah fanka, halkaasoo Suugaan iyo maanso kala duwan oo Heesaha iyo Riwaayaduhu ugu badan yihiin ey ka soo baxeen 70-kii sano ee u dambeeyey. Sidoo kale waxaa muddooyinkii ugu dambeeyey lagu qabanayey bandhig faneedyo kala duwan. Waxaa magaalada ku sugan fanaanin badan oo isugu jira kuwa dambe iyo fanaaniintii hore, isla markaana waxaa magaalada jooga Abwaanno caan ka ah gayiga Soomaalida.

ISHABBC/SOMALI

Previous
Previous

XAALKA SUDAN IYO KENYA OO CIRKA ISKU SHAREERAY.

Next
Next

DAWLADDA KENYA OO U JAWAABTAY DAWLADDA SUDAN.