WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY DALKA..
(SAWIRKA)-GOOBTA EY WAX KA DHECEEN.
(PRAGUE)- Nin dalka Czech aya weerar mindi loo adeegsaday ku dilay laba haween ah Khamiista ah gudaha Xarun laga dukaameysto oo ku taal Jamhuuriyadda Czec, sida ey saraakiishu sheegeen, waxaana markii dambe la xiray nin geystay weerarka una dhashay Czech. Lama oga sababta ka dambeysay weerarka ka dhacay magaalada Hradec Kralove oo 100 kiilo mitir dhanka bari kaga beegan magaaladda caasimadda ah ee Prague. Booliisku waxay ku sheegeen bartooda X ineysan jirin calaamado muujinaayo in "Weerar yahay mid Argagixiso," iyo in qofka weerarka geystay uu u muuqday mid si aan kala sooc lahayn u doortay dhibanayaasha. Dhibanayaasha ayaan ilaa hadda la aqoonsan. Wararka ayaa markii hore sheegay in la dhaawacay oo mid ka mid ah uu dhaawaceedu culus yahay, balse markii dambe booliska ayaa xaqiijiyay in labaduba ey dhinteen. Booliisku waxay xireen 16 jir u dhashay Jamhuuriyadda Czech, ka dib markii ey ka soo qabteen meel 1 kilomitir (in ka yar hal mayl) u jirta goobta, wax yar ka dib weerarka,waxaane meel u dhow laga helay mindi. Ra’iisul Wasaare Petr Fiala ayaa tacsi u diray ehelada dadkii dhintay. "Waxa ka dhacay Hradec Kralove maanta waa fal aan la fahmi karin oo laga naxo," ayuu ku dhajigay bartiisa X. Booliska ayaa sheegay in xaalada ey gacanta ku hayaan, islamarkaana eysan jirin wax khatar ah oo shacabka soo gaaray, sidoo kalena aan ammaanka magaalada kor loo qaaday,mana la helin faah faahin kale isla markiiba.
ISHA-2-NEWS.