WILLIAM RUTO OO KHARASH DHIMIS KU SAMEEYEY…

(SAWIRKA)-MADAXWEYNE WILLIAM RUTO.

(NAIROBI)-Madaxweyne William Ruto ayaa maanta ku dhawaaqay dhimista kharashaadka Sh.177-Bilyan iyo Sh.169-Bilyan oo Deyn dheeraad ah si loo daboolo godka Miisaaniyadda ee ka haray ka noqoshada sharciga Maaliyadda 2024-ka. Madaxweyne Ruto oo khudbad toos ah ka jeediyey Aqalka Madaxtooyadda dalka Kenya ayaa sheegay in Xukuumadiisa ey horgeyn doonto Baarlamaanka dalka Hindise lagu Ansixinaayo kharash dhimista ka dib markii laga laabtay sharcigii la donaayey in lagu kordhiyo sh.346-Bilyan oo Canshuur cusub ah. Madaxweyne Ruto ayaa arrintaan ku sheegay iney xaqiijinayso maalgelinta khadadka Miisaaniyadeed ee muhiimka ah oo ey ku jiraan shaqaaleysiinta 46-kun macallimin dugsiyada sare oo joogta ah iyo hawlgabkoda,qorista tababaraayl caafimaad,bixinta lacag caano looga soo iibsanaayo beeraleyda,taaso dhan Sh.50 halkii Literba,iyo sii haysashada kaalmada Bacriminta.

ISHA/DN.

SII AKHRI.

Previous
Previous

DALKA INGIRIISKA OO YEESHAY REYSAL WASAARE CUSUB.

Next
Next

HOOYO SOOMAALIYEED OO LAGA SOO SAARAY BURO DHAN 10-Kg.