HOOYO SOOMAALIYEED OO LAGA SOO SAARAY BURO DHAN 10-Kg.
(SAWIRKA)-BURADDA LAGA SOO SAARAY HOOYO MARYAN.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Muqdisho qaliin loogu sameeyey Isbitaalka Erdogan ee horay loo oran jiray Isbitaalka Digfeer,hooyadaan ayaa in muddo ah waxa ey la xanuunsaneed Buro kaga tiilay Caloosha tan iyo sannadkii 2006-dii,waxaane hooyadaan la siku dayey in la ogaado waxa caloosheed ku jira waxa ey yihiin waxaane la geeyey dhawr isbitaal oo Muqdisho ku yaalo balse ma eysan suurtagelin in wax looga qabto xanuunkeeda. Ugu dambeyntii Hooyo Maryan Xeyle Naxar oo maqalka Naafo ka ah ayaa lagu guuleystay in laga soo saaro Buro miisaankeeda lagu sheegay inuu dhan yahay ilaa 10-kiilogaraa(10-KGS),qaliinka lagu guuleystay ayaa waxaa fuliyey takhtar Soomaaliyeed lana yiraahdo Dr.Axmed Isxaaq Xuseen kana hawlgala Isbitaalka Erdogan ee magaaladda Muqdisho.
ISHA/BBC-SOMALI.