DALKA INGIRIISKA OO YEESHAY REYSAL WASAARE CUSUB.

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAHA CUSUB EE UK. KEIR STARMER.

(LONDON)-Dalka Boqortooyadda Ingiriiska waxaa shalay ka dhacday Doorasho aad u adag una dhexeeysay Labada Xisbi ee kala ah Xisbiga Muxaafidka ee xukunka soo haayey 14-kii sano ee la soo dhaafay iyo Xisbiga Shaqaalaha oo aad sannadkan u soo diyaargaroobay. Labadaan Xisbi ayaa dalka Boqortooyadda Ingiriiska ugu caansan marka laga hadlaayo Hogaamka sare ee dalka Ingiriiska,hadaba Keir Starmer oo ah 61-jir kuna dhashay caasimadda London ahne siyaaso dhexdhexaad ah ayaa soo maray dariiq qurux badan oo ka soo baxay Maxkamadda ilaa wadooyinka Westminister. Ku barbaaray qoys fasalka shaqeeya,Starmer noloshiisa hore waxaa lagu asteeyey u heelanaanta Waxbarashadda iyo adeega dadweynaha. Waxa uu dhiganaayey Dugsiga Naxwaha ee Reigate ka hor inta uusan sharciga ka baran Jaamicadda Leeds ka dib St.Edmund Hall,Oxford. Xirfadda Sharciga ah ee Starmer waxay si dhab ah u bilaabatay garyaqaan ahaan,halkaas oo uu si deg deg ah isu taagay inuu yahay shaqsi laga cabsado dhinaca sharciga Xuquuqda aadanaha. Kartidiisa iyo daacadnimadiisa waxa uu ku kasbadaydoorka Agaasimaha Waaxda dacwad Oogista(DPP) 2008,jagadaas oo uu haayey ilaa sannadkii 2013-kii. Intii uu ku jiray Xisbiga DPP, Starmer wuxuu caan ku ahaa shaqadiisa kiisas adag iyo heer sare ah. Sidoo kale,waxa uu qeyb wacan ka qaatay sidii loo hirgelin lahaa dib u habayn la taabn karo gudaha adeega Xeer ilaalinta.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Previous
Previous

TALIYAHA CIIDANKA DHULKA GEN.DAYAX OO GAARAY…

Next
Next

WILLIAM RUTO OO KHARASH DHIMIS KU SAMEEYEY…