WIIL SOOMAALI AH OO LOO HAYSTO INUU DILAY GABAR.
(SAWIRKA)-WIILKA SOOMAALIGA AH IYO GABADHA UU DILAY.
(SWEDEN)-Waxa aan la soconaa in magaaladda Muqdisho tahay halka ey ka dhacaan dilal kala gedisan marka loo fiiriyo magaalooyinka kale ee dalka Soomaaliya waayo magaaladan ayaa ah mid ey ku noolyihiin dad lagu qiyaaso iney kor u dhaafayaan ilaa afar Milyan oo qofood kana kala yimid dalka Soomaaliya goboladiisa kala gedisan si ey halkaas uga dabirtaan nolol maalmeedkooda. AUN-LUUL C/Casis waxaa dilay ninkii ey dhaxday una lahayd Uur Lix bilood ah, Sayid Cali Macallin Da’uud waxaa lagu xukumay Dil Toogasha ah ka dib markii uu Gubay Xaaskiisa AUN-LUUL,hadda waxa uu sugayaa in lagu fuliyo Qisaastii Marxuumad LUUL. Ma fileysid amaba ma kula tahay inuu jiro wiil Soomaaliyeed oo ku nool Qurbaha oo loo haysto inuu dilay Xaaskiisa u dhaxday una lahayd Uur aan la sheegin inta bilood uu yahay, dhacdaan ayaa laga soo weriyey iney ka dhacday dalka Sweden gaar ahaan magaaladda OREBRO oo boqol Mayl Galbeedka kaga beegan caasimadda dalka Sweden ee Stockholm. Wiilkan Soomaaliyeed ayaa magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo Maxamed-Amiin c/risaaq Ibrahim waane 22-jir,gabadha ayaa iyadana magaceeda lagu sheegay in la yiraahdo Sara Forsgren Elneborg waane 20-jir.
ISHA/ALLSANAAG.
RIIX HALKAN.