CIIDANKA BOOLISKA OO SOO BANDHIGAY…

(SAWIRKA)-MID KAMID AH EEDEYSANAYAASHA LA SOO QABTAY.

(MUQDISHO)-Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxaa inta badan maalmahaan lagu jiro Tobankii ugu dambeeyey ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ka dhacay dilal aan lahayn wax sabab ah amaba ah kuwa aan loo baahnayn iney dhacaan,dilaalkaan ayaa waxaa ku lug yeesha Ciidamadda DFS qeybaheeda kala Gedisan hadaba qoraal ka soo baxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed laguna faafiyey Warbaahinta ayaa lagu sheegay in Ciidmadda Booliska oo kaashanaayo Hayadaha Amaanka Qaran iney gacanta ku soo dhigeen Eedeysanayaal ey tiradooda gaareyso ilaa shan Eedeysane kuwaaso loo haysto iney dileen afar mawaadin,dilalka ayaa ka kala dhacay degmooyin kala duwan kana tirsan Gobolka Banaadir. Eedeysanayaasha la soo qabtay ee hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kala ah: (1)-Eedeysane Dable Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed Da’uud Bashiir Colow, waxaa loo haystaa dilka Marxuum Saciid Cabdi Muuse,dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay degmada Dharkinleey ee G/banaadir. (2)-Eedeysane Alifle Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamed Cali iyo Eedeysane C/qaadir Maxamed Xasan oo dhaawac ah, waxaa labadaan Eedeysane loo haystaa dilka Marxuum Aweys Xuseen Jeylaani, dilkaan ayaa ka dhacay degmada Xamar Jajab ee G/banaadir. (3)-Maxamed Cabdi Maxamed, waxaa loo haystaa dilka Marxuum C/laahi Abuukar Yuusuf, dilkaan ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee G/banaadir. (4)-Eedeysane Dable Yuusuf Cali Mocoow, waxaa loo haystaa dilka Marxuum Maxamed Axmed Nuur,dilkaan ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee G/banaadir. Booliska ayaa sheegay in dhammaan eedeysanayaasha dilalkaan gaystay oo gacanta lagu haayo sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgayn doono Maxmkamadda awooda u leh iney qaado dacwadooda. Booliska ayaa waxa uu codsi gaaban u diray dadweyna G/banaadir waxa uuna Booliska ka codsaday dadweynaha iney soo wacaan Xafiiska Gurmadka Ciidanka Booliska Sooaaliyeed haddii ey la kulmaan falal liddi ku ah Amniga iyagoo soo wacaayo lambarka ah “991”.

ISHA/BOOLISKA.

Previous
Previous

MAXKAMADDA CIIDAMADDA OO XUKUN DIL AH KU..

Next
Next

WIIL SOOMAALI AH OO LOO HAYSTO INUU DILAY GABAR.