MAXKAMADDA CIIDAMADDA OO XUKUN DIL AH KU..
(SAWIRKA)-RAGII DILAY KAABAX.
(MUQDISHO)-Wararka ka imanayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ey dil Toogasha ah ku xukuntay C/fataax Maxamed Xasan “QOSLAAYE” iyo Maxamed Cabdi Maxamed “QOONE” oo kala ahaay taliyihii Saldhiga degmada Heliwaa,Dhammae ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Dable Gacanyare u ahaay Taliyaha,Xukunkaan ayaa ah Qisaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ey dileen 24/2/24-ka. Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka xayuubisay Darajadiisii Ciidan kana saartay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhammae Qoslaaye iyo Dable Qoone. Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa 15-sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukunta Liibaan Maxamed Cumar oo sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Baasaboorka dalka Kenya waane abaabulihii ka dambeeyey in la dilo Ganacsade Kaabax kana soo abaabulay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta. Maxamed Cadaawe Cali iyo Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaay maleeshiyaad aan ku jirin diiwaanka Ciidamadda Booliska laakinse Dhamme Qoslaaye uu dharka Ciidanka Booliska u xiray si uu ugu ekeysiiyo Ciidankiisa ayaa iyagan lagu xukumay 10-sano oo Xabsi Ciidan ah midkiiba halka Xasan Maxamed Siciid “Dhii-Dhiin” oo ahaay Farsama yaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xukun lagu riday labadaan. Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cismaan ka dib makii lagu waayey wax dembi ah.
ISHA/SNA.