DFS OO SHEEGTAY IN LA LAAYEY ALSHABAAB BADAN.

(SAWIRKA)-WEERAR XOOGAN OO LAGU QAADAY FARIISIN ALSHABAAB LEEYAHAY.

(MUQDISHO)-Hawlgal ey si wadajir ah u filyeen Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed,Xoogaga Degaanka iyo Saaxibadda Caalamiga ah ayaa ka dhacay xadka u dhexeeyo Goboladda Shabeeladda Dhexe iyo Galgaduud,hawlgalkaan ayaa lala beegsaday fariisin ey iska leeyihiin Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab,waane goobta laga soo abaabul weerarad kooxda Alshabaab ku soo qaado degaanadda dhaca dhulka kala qeybiyo Sh/dhexe iyo G/gaduud. Diyaaradaha dagaalka ey iska leeyihiin saaxaibadda caalamka ayaa fuliyey weerarka dhinaca cirka ah waxaane lala beegsaday degaanada loo yaqaano Jir-Jir Fareey iyo Burka Fiiqey oo dhanka Waqooyi kaga degmada Ruun-Nirgood ee G/shabeeladda Dhexe,weerarkaan qorsheysnaay ayaa kooxda Alshabaab waxaa ka soo gaaray jab xoogan,waxaane ku dhintay maleeshiyaad fara badan oo loo diyaarinaayey iney weeraro ka gaystaan degaanadda dhaca Xuduudka labada Gobol oo ah dhul Hawd ah.

ISHA/SBM.

Previous
Previous

WIIL SOOMAALI AH OO LOO HAYSTO INUU DILAY GABAR.

Next
Next

PUNTLAND OO KA JAWAABTAY ERYIDA QUNSULIYADDA ITOOBIYA.