Weerarkii Masjidkii….

news.jpg

Dhibanayaasha weerarkii ka dhacay masaajidkii ku yiilay dalka New Zealand ayaa waxa eey heli doonaan dal ku gal u gaar ah marka eey soo aadaayaan New zealand taasoo u dhinac socoto kaalmo dhaqaale si eey marqaati uga noqdaan xukunka gacan ku dhiiglaha oo dhacaayo bisha soo socoto ee Agoosto 2020-ka.

Sida eey sheegtay xukuumadda New Zealand galabta waxaa la balaarin doonaa cafiska la xiriiro ka soo gudbida xuduudyada dalka New zealand si loo kaalmeeyo dhibanayaal dibadda ka imaanaayo si eey uga qeybgalaan xukunka gacan ku dhiigle Brenton Harrison Tarrant kaasoo waqtiga loo qorsheeyey ineey bilaabato maxkamadayntiisa eey tahay Agoosto-24-2020-ka waxa eeyna maxakamadu socon doontaa mudo dhan seddex maalmood iyo ka badan.

Wasiirka socdaalka dalka New Zealand Lain lees-Galloway ayaa yiri” Waxaan rabnaa inaan kaalmayno walaalahayna muslimiinta ah kuwaasoo si toos ah eey u taabatay dhacdadii murugada lahayd iyo fahanka dadka qaar oo aan hadda joogin gudaha New Zealand rabaane ineey yimaadaan xukunka”.

Previous
Previous

Imaaraatka oo Hubeeyey…

Next
Next

Booliska Itoobiya oo …