Booliska Itoobiya oo …
Sida eey qortay wakaaladda wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga waxaa magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa lagu xiray maanta sedex qofood oo lagu tuhmaayo ineey ka dambeeyaan dilkii fanaanka caan ka ah Hachalu Gundessa sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamadda booliska maantii Jimcaha ee shalay ahayd.
Ugu yaraan dad gaaraayo 5000-qofood ayaa qeyb ka ahaay banaanbaxyadii watay rabshadaha kana dhacay dalka Itoobiya,banaan baxyadaas ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa 200-qofood,banaanbaxyadda ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Addis Ababa,Gobolka eey degaan Oromada iyo gobolo kale,waxa uuna raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed sheegay in banaanbaxyadaas ahaayeen bilawgii isku dayga dagaal sokeeye oo ka dhaca dalka Itoobiya.
36-jirka reer Oromo ee ah heesaa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka Oromada ah Hachalu Gundessa ayaa ahaay shaqsi caan ku ah sannado dheer banaabaxyada looga soo horjeedo dawladda Itoobiya ka hor inta uusan Abiy Axmed qaban xilka dalka Itoobiya.
Heesaaga Hachalu ayaa noqday codka dadka Oromada intii lagu guda jiray banaanbaxyadii sabab u noqday iney dhacdo xukuumaddii hore sannadkii 2018-kii