Duq Magaalo oo is…

download (1).jpeg

Duqa caasimadda dalka kuuriyadda koonfureed ee Seoul ahaayne garyaqaan u dooda xuquuqul insaanka,isla markaasne ahaay ninka ugu awooda badan musharixiinta madaxweyne ee koonfurta kuuriya ayaa dhintay waxaane la soo cadeeyey in isaga uu is dilay,sababta uu isu dilay duqa caasimadda Seoul ayaa lagu sheegay ineey tahay dacwad eey maalintii arbacada ee la soo dhaafay ka gudbisay xoghayntiisa ka dib markii uu ku sameeyey shukaansi xadgudub ah(Sexual Harassment).

Duqa caasimadda Seoul Mr.Park Won-soon ayaa meydkiisa laga helay hawdka buuraha Bukak oo ah halka uu duqa magaaladda Seoul uu si rasmi ah u deganaay,waxaane loo malaynaa in duqa magaaladda Seoul isaga uu nafta iska qaaday balse booliska ayaa sheegay in Mr.Park jirkiisa aysan ka muuqan wax calaamada oo muujinaayo in la dilay waxaane meydkiisa la geeyey isbitaalka jaamicadda wadaniga ee Seoul.

Haddii si rasmi ah loo cadeeyo in duqa magaaladda Seoul inuu isaga is dilay waxa uu nqon doonaa siyaasigii reer koonfur kuuriya u dhashay ee sameeyo isdil fool xun marka laga soo bilaabo madaxweynihii hore ee kuuriyadda koonfureed Roh Moon-hyun kaasoo iska tuuray buuro sannadkii 2009-kii ka dib markii wax laga weydiiyey arimo la xiriiro musuq-maasuq eey sameeyeen qaar ka mida qoyskiisa,geberta uu dhalay duqa magaaladda Seoul ayaa khamiistii la soo dhaafay booliska u shegtay in aabaheed maqan yahay, waxa una gebertiisa u sheegay ineeysan gaari karin marka uu u soo diraayey dhambaalka,waane erayadii ugu dambeeyey ee laga helo duqii dhintay ee Seoul.

Duqa magaaladda Seoul Mr.Park waxa uu ahaay 64-jir u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka degan magaaladda Seoul ka hor inta aan loo dooran inuu noqdo duqa caasimadda Seoul sannadkii 2009-kii waxa uuna Mr.Park noqday duqii ugu horeeyey oo la doortay markii seddexaad sannadkii 2018-kii,xubnaha xisbiga madaxweynaha koonfurta kuuriya Moon-Jae ee Liberal Dimoqaraadiga uuna ka tirsan yahay Mr.Park ayaa u arka in Mr.Park yahay murashaxa ugu awooda badan gudaha xisbigooda doorashada dhici doonto sannadka 2021-da.

Duqii Seoul ee geeriyooday Mr.Park ayaa dadaal adag u galay sidii uu uaga hortegi lahaay faafida coronavirus ee magaaladda Seoul oo eey ku nool yihiin dad lagu qiyaasay ilaa toban milyan oo qofood,waxa uuna Mr.Park xiray dhammaan goobihii habeenka lagu caweeyn jiray,waxa uuna joojiyey in lagu socdo jidadka waa weyn ee caasimadda Seoul waayo caasimadda Seoul ayaa ah halka uu ka faafay Coronavirus-ka ee dalka koonfurta kuuriya.

Previous
Previous

Booliska Itoobiya oo …

Next
Next

Maxaa soo kordhay?