Imaaraatka oo Hubeeyey…

Wararka laga helaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in dalka Imaaraatka diyaarado ciidan eey leeyihiin oo wada qalab ciidan ineey ka degeen saldhiga ciidamadda Al-Jufra ee dalka Liibiya todbaadkii inaga tegay sida laga soo xigtay wargays ka soo baxo London ee la yiraahdo Al araby Aljadeed.

Saldhiga ciidamada Al-Jufra ayaa ku yaalo bartamaha dalka Liibiya halkasoo eey gacanta ku hayaan calooshood u shaqeytayaal u dhashay dalka Ruushka eeyn soo ijaartay Imaaraatka si eey uga barbar dagaalamaan Gen.Xaftar,calooshood u shaqeystayaasha ayaa waxaa Ruushka ka keenay shirkad Ruush ah lana yiraahdo Russian Wagner Company. Wararka ayaa intaas waxa eey ku derayaan in dalka Imaaraatka siiyey Gen.Xaftar iyo dagaalyahanadiisa ka dagaalama bariga Liibiya qalab dagaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha wedin(Drones),waxaa kaloo Abu Dabi eey si qarsoodi ah u siisay Gen.Xaftar diyaarado Drones-ka ee lagu sameeyey dalka Israa’iil(Heron) kuwaaso leh awood sare qaadi karana tiro aad u badan oo ah waxyaabaha qarxa,diyaaradahaan aan duuliyaha wedin laguna sameeyey dalka Israa’iil ee Heron TP2 loona yaqaano EITAN ayaa ah kuwa eey ciidamadda Israa’iil u isticmaali jireen hawlgaladda waayo waxa eey qaadi kartaa hub fara badan iyo ayagoo leh nidaam isgaarsiineed oo aad u sareeyo,waane mid hawada geli karta ayadoo ku hubaysan gantaalo iyo bambooyin la hago,diyaadaan ayaa duuli karta soddon saacadood xawaare dhan 400-kiilomitir saacadiiba,waxaa intaas dheer in Imaaraatka siiyey Gen.Xaftar diyaarado lagu sameeyey dalka Shiinaha loona yaqaano CH5 waane diyaado loo adeegsado ineey wax soo basaasaan.

Previous
Previous

Nin Midiyey Dumar…

Next
Next

Weerarkii Masjidkii….