Nin Midiyey Dumar…
Sarpsborg(Norway): Seddex qofood oo dhammaantood ah dumar ayaa lagu midiyeeyey gudaha magaaladda Sarpsborg ee dhacda koonfurta dalka Norway,sida eey ku soo warameen warbaahinta gudaha.
Weerarka ayaa ka dhacay goobo kala gedisan ee magaaladda Sarpsborg taasoo eey ku nool yihiin dad tiradooda lagu qiyaasay 54,000 qofood waxa eeyna caasimadda dalka Norway ee Oslo u jirtaa masaafa dhan todobaatan kiiloomitir(70-Km). Laba ka mida dumarka uu soo gaaray dhaawaca culus ayaa midkood waxa eey u geeriyootay dhaawacii soo gaaray halka mida seddexaad dhaawaceedu yahay mid sahlan oo ku kooban gacanta. Ciidamada booliska Norway ayaa sheegeen ineey xireen hal qof oo da’adiisa lagu sheegay ineey tahay 31-sano waxaane la sheegay in mid ka mida dumarka uu dhaawacay eey aqoon u leedahay balse eey raacisay inuu yahay nin qaba xanuunka dhimirka.
Weerararkaan ayaa dhacay habeen barkii Talaadada saacadu markeey ahayd 1:30-Am waqtiga magaaladda Sarpsborg.