Dil ka dhacay Muqdisho.

kafi.jpg

Waxaa magaaladda Muqdisho ku soo badanaayey burcad hubaysan kuna labisan dharka ciidamadda dawladda federaalka soomaliyeed,burcadaan hubaysan ayaa waxa eey dhacaan Mootooyinka laba lugoolayda ah,telefoonadda qaaliga ah iyo waxyaabaha kale eey burcadu u aragto ineey leeyihiin qiimo,dilalkaan eey ku kacaan burcadaan hubaysan ayaa inta badan waxa eey dhac ka gaystaan degmada Yaaqshiid ee gobolka banaadir gaar ahaan waaxyaha kala ah Juungal iyo Tawfiiq. Bishii Juun-21-2020-ka burcadaan hubaysan ayaa waxa eey degmada Yaaqshiid ku dileen marxuum C/qaadir C/laahi Goosaar waxa eeyna ka dhceen mooto uu lahaay oo nuuceedu ahaay FEKON ama laba lugooleey,balse burcadii geeysatay dhacaas hubaysan ayaa la soo qabtay oo hadda waxa eey ku jiraan gacan dawladda federaalka soomaaliyeed oo waa xukun sugayaal.

Maanta oo ah Khamiis kuna beegan 16/7/2020-ka ayaa mar kale waxaa degmada Yaaqshiid ka dhacay dil eey geeysteen burcad hubaysan kuna labisan dharka ciidamadda,C/kaafi Aweys Maxamed oo ahaay arday wax ka barta mid ka mida Jaamicadaha magaaladda Muqdisho gaar ahaan waxa uu baranaayey C/kaafi Caafimaadka,sida laga soo xigtay goobjoogayaal ka ag dhawaay meesha dhibku ka dhacay ayaa warbaahinta madaxa banaan ee magaaladda Muqdisho u sheegay in marxuum C/kaafi loo dilay telefoonka gacanta(Mobile) uu watay ka dib markii la isku dayey in laga dhaco isagana uu ka madax adeegay,ma jirto cid isku dayday ineey ka hor tagto arrimhaan dhaca hubaysan ah kuna soo laalaabtay degmada Yaaqshiid ee gobolka banaadir gaar ahaan waaxyaha kala ah Juungal iyo Tawfiiq ayadoo la ogyahay in degmada Yaaqshiid leedahay saldhig boolis iyo ciidamo dhar cad ah oo aad u fara badan kana hahwlgala degmada Yaaqshiid.

Previous
Previous

Turkiga iyo Qaxootuga.

Next
Next

Nin Midiyey Dumar…