Turkiga iyo Qaxootuga.
Sida uu maanta qoray wargayska laga leeyahay dalka Turkiga lana yiraahdo” daily Sabah” tirada dadka u haajiray dalkaas Turkiga sannadkii inaga tegay ee 2019-kii ayaa korortay 17.2% marka la barbardhigo sannadkii ka horeeyey ee 2018-kii oo lagu sheegay 677,042 muhaajiriin ah.
Sida uu qoray Machadka Qorshaynta ee dalka turkiga(Turkstat) 98,554 muhaajiriin ah ayaa u dhalatay dalka Turkiga kuwaasoo dib ugu soo haajiray dalka turkiga kana yimid dibadda halka 578,488 eey yihiin muhaajir ajaanib ah. Inta badan muhaajiriinta timaado dalka Turkiga ayaa ah Rag(54.4%) da’da ugu badan muhaajiriintaas ayaa ah mid u dhexeeyso(25-29)-jir 13.3%,da’ada soo xigta ayaa ah(20-24)-jir 12.2%. Muhaajiriinta ajaanibta ah una socdo dalal kale balse sii dhexmara dalka Turkiga ayaa ayana kororotay 2% sannadkii 2019-kii marka la barbarhigo sannadkii ka horeeyey ee 2018-kii,sida eey sheegtay qorshaynta dalka Turkiga waxaa la diiwaan geliyey ku dhawaad dad dhan 330,289, muhajiriintaan ayaa 54.5% ayaa ah Rag,muhaajiriinta Turkiga ah kana soo laabatay dibadda dalka Turkiga ayaa lagu sheegay tiradooda 84,863- muhaajir halka inta soo hartay eey yihiin ajaanib kuwaaso kooxda ugu badan eey da’adoodu u dhexeyso (25-29)-jir 15.3%,kooxad xigta ayey da’adoodu u dhexeysaa(30-34)-jir 13% iyo kooxda eey da’adoodu u dhexeeyso(20-24)-jir 12.6%.
Muhaajiriinta soo gaartay dalka turkiga ayaa waxaa ugu badan muhaajiriin ka timid dalka Ciraaq waxaane lagu qiyaasay ineey dhan yihiin14.5% tirada ugu badan ee muhaajiriinta ajnabiga ah kuna sugan gudaha dalka Turkiga,waxaane ciraaq ku soo xigo muhaajiriinta u kala dhalatay dalalka Turkomaanistaan,Afgaanistaan,Suuriya iyo Iraan. Muhaajiriinta reer Ciraaq ayaa ugu badan kuwa ka sii haajiro dalka Turkiga marka la barbardhigo ajaanibta kale ee ku sugan dalka Turkiga waxaane lagu qiyaasay tiro ahaan iney dhan yihiin 23.9% waxaane ku soo xigo muhaajiriinta u kala dhalatay dalalka Iiraan,Afgaanistaan,Azarbajaan iyo Turkomaanistaan.