Turkiga oo xiray….

tur.jpg

Sida uu qoray wargayska Daily Sabah ee dalka Turkiga ciidamadda booliska ayaa sheegay ineey xireen dad gaaraayo 27-qofood kuwasoo lala xiriirnaayo ineey ka tirsan yihiin kooxda argagixisada Daacish,dadkaan ayaa lagu tuhmaa ineey diyaarinaayeen weeraro ka dhan shacabka Turkiga,booliska ayaa intaa raaciyey in dadkaan la qabtay la soo siiyey amaro ah ineey qaadaan weeraro aargoosi ah oo lagu brtilmaameedsanayo 15-degmo kana tirsan Istambuul.

Dalka Turkiga ayaa ka mida dalalkii ugu horeeyey ee ogaaday jiritaanka kooxda argagixisada Daacish sannadkii 2013-kii oo ah waqtigii eey soo caan bexeeen,marka laga soo bilaabo waqtigaas dalka Turkiga ayaa weeraro kala kulmaayey kooxda Daacish. Dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay weeraro eey geysteen kooxaha argagixisada gaar ahaan kooxda Daacish tirada guud ee weeraradaas ayaa kala ahaay 10-qarax ismiidaamin ah,weeraro bambooyin loo adeegsaday iyo afar weerar oo fool ka fool ah oo dhexmaray Daacish ciidamadda amaanka Turkiga,weeraradaas ayaa waxaa ku dhintay dad dhan 315-qofood waxaane ku dhaawacmay boqolaal qofood kale. Turkiga ayaa bilaabay inuu weeraro militeri ku qaado kooxda Daacish halka eey ciidamadda booliska Turkiga ee fuliyaan hawlgalo guryaha looga baaraayo argagixisada Daacish.

Previous
Previous

Muqdisho oo Marti….

Next
Next

Turkiga iyo Qaxootuga.