Muqdisho oo Marti….
Magaaladda Muqdisho oo ah caasimadda dalka soomaaliya ayaa bishaan todobaad waxa eey martigelisay qaraxyo u muuqda ineey yihiin kuwa eey ka dambayso siyaasad,inta badan qaraxyadda waa kuwa dhacay wixii ka horeeyey labaatan ka bisha mana eeysan suuragelin in lala helo halka uu ahaay bartilmaameedka,tirada qaraxyada dhacay ilaa iyo hadda ayaa dhan seddex qarax waxa eeyna kala dheceen:
18/7/2020-ka,kuna beegneed shalay oo sabti ah ayaa waxaa qarax ka dhacay wadada sida aadka ah loo ilaaliyo ee Maka Almukarama,qaraxaas ayaa waxa uu ka dhacay halka eey iska gooyaan laba wado ee kala ah Maka almukarama iyo Taleex,qaraxa ayaa ahaay bam la soo dhigay wadada dhinaceeda lagana xukumaayey meel ka fog. Qaraxaas ayaa waxaa loola dan lahaay in lagu khaarijiyo wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga qaranka Xildhibaan C/naasir siciid Muuse kaasoo uu gaarigiisa maraayey goobta uu ka dhacay qaraxa balse wasiirka ayaan la socon gaarigiisa,waxaane la soo sheegay in gaariga wasiirka uu saarnaay sarkaal ka shaqeeyo wasaaradda cadaaladda kaasoo magaciisa lagu soo koobay Ilyaas waxa uuna qaraabo la ahaay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir waxaane ku dhaawacmay dad shacab ah sida eey qoreen warbaahinta Muqdisho. Qaraxa ayaa dhacay 7:30-fiidnimo waqtiga Muqdisho.
13/7/2020-ka,kuna beegneed maalin Isniin ah ayaa waxaa qarax ismiidaamin waxaa lala beegsaday kolonyo uu la socday taliyaha ciidamadda xooga dalka soomaaliyeed Gen.Odawaa,qaabka qaraxa loo fuliyey ayaa ahaay in baabuur eey ka buuxaan waxyaabaha qarxa in lagu dhufto gaariga uu saaran yahay taliye Gen.Odawaa balse taasi ma eeysan dhicin oo waxaa gaariga uu watay ismiidaamiyaha ayaa waxaa rasaas ku furay ilaaladii la socotay taliye Gen.Odawaa sidaas ayuuna ku qarxay gaarigii eey ka buuxen waxyaabaha qarxa. Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay dad shacab ah oo ka ag dhawaay goobta uu ka dhacay qaraxa oo ahayd inta u dhexeeyso isbitaalka xooga iyo terbuunka.
4/7/2020-ka kuna beegneed maalin Sabti ah ayaa waxa uu qarax ismiidaamin ah ka dhacay afafka hore ee dekadda Muqdisho,qaraxaas ayaa loola dan lahaay laanta ilaalinta canshuuraha ee Muqdisho. Gaariga walxaha qarxa ka buuxaan ee uu watay ismiidaamiyaha ayaa si xooga ah waxa uu ku dhaafay barta laga ilaaliyo laanta ilaalinta canshuuraha muqdisho,waxaase wax lala yaaba ah sida eey ugu suuragashay in gaari eey ka buuxaan waxyaabaha qarxa uu soo dhaafo dhawr barood oo lagu koontaroolo baabuurta u socoto dekada muqdisho.
Hadaba intaas qarax ee aan soo sheegay ayaa waxa eey ka dheceen magaaladda Muqdisho inta u dhexeeyso 4-19-ka bisha todobaad,mana eey jirto cid is weydiisay sida eey u dheceen qaraxyadaas iyo cidda fududeeysay in baabuurtaas soo dhaafaan baro koontarool lagana ilaaliyo xarumo muhiim u ah DFS,waxaane jiro dad shacab ah kuna sugan Muqdisho oo aaminsan in qaraxyadda dhacay bishaan salka ku hayaan siyaasad gaar ahaan kan la rabay in lagu khaarijiyo taliye Gen.Odawaa waayoo qaraxa ayaa dhacay maalmo ka dib markii uu Gen.Odawaa sheegay in lala wareegi doono dhammaan baaburta ku buufsan midabka ciidamadda xooga eey wataan masuuliyiintii hore.