Dilal ka dhacay Muqdisho.

19/7/20-ka,kuna beegan maalin axad ah ayaa waxaa weerar uu ka dhacay xarun lagu tumo Mingiska iyo goob eey deganaayeen barakacayaal,weerarkaan ayaa waxaa gaystay nin ka tirsanaay ciidmadda xooga dalka soomaaliyeed,weerarka yaa dhacay 12:30-duhurnimo waxaane ku dhintay weerarkaas wiil dhallinyara ah oo magaciisa lagu sheegay Sulaymaan Maxamed Mahdi waxaane ku dhaawacmay 9-qofood oo kale. Booliska ayaa sheegay ninka gaystay weerarka magaciisa la yiraahdo C/kariin Dheere waane uu ka baxsaday goobta uu dadka ku dilay balse ciidamadda ayaa sheegay ineey ku raad joogaan gacan ku dhiiglaha dilka gaystay.

19/7/20-ka,Sarkaal ka tirsan ciidamadda DFS ayaa lagu dilay Muqdisho,dilkaan ayaa ka dhacay mid ka mida koontarooladda laga soo galo magaaladda Muqdisho kuna yaalo degmada Yaaqshiid ee gobolka banaadir,sababta dilka ninka sarkaalka ah ayaa lagu sheegay ineey u sabab ahayd iska hor imaad dhexmaray ciidamo ka wada tirsan ciidamadda DFS,sarkaalka ku dhintay iska hor imaadka ayaa magaciisa lagu sheegay Cismaan Xasan (Cismaan Injineer) kaasoo xiliga la dilaayey watay baabuur nuuciisu yahay Surf.

Warar soo baxay goor dambe ayaa sheegaayo in taliyaha saldhiga degmada Yaaqshiid Faarax Cadaani uu amar ku bixiyey in la bartilmaameedsado gaariga uu wato Cismaan Injineer haddii lagu arko koontarooladda degmada Yaaqshiid,sida muuqatana sarkaalka la dilay ayaa ka mida rag si qarsoodi ah Qaadka magaaladda u soo geliyo ayagoo aan wax afgarad ah la sameeyn taliyaha saldhiga degmada Yaaqshiid ee gobolka banaadir.

20/7/20-ka,Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho gaar ahaan wadada isku xirto Muqdisho iyo Afgooye taasoo dhismaheeda dib loo bilaabay ka dib markii uu hakad ku yimid dhisideeda. Dilka ayaa waxaa loo gaystay wiil dhallinyara ah oo lagu magcaabo Catoosh Xaaji waxaane u gaystay ciidamadda DFS oo halkaas ilaalo ka ah,eheladda wiilka la dilay ayaa sheegay in wiilkooda si ula kac ah loo dilay waxayna DFS ka dalbadeen in cadaaladda la horkeeno askerigii gaystay dilka wiilkooda.

20/7/20-ka,askeri ka tirsan ciidamadda booliska soomaaliyeed ayaa maanta oo isniin ah l;agu dilay agagaarka isgoyska hawlwadaag ee gobolka banaadir,dilka askeriga ayaa waxaa fuliyey darawal mooto bajaajle ah iyo qof la socotay,kooxdii dilka gaysatay ayaa goobta isga baxsatay waxayne ciidamadda amaanka xireen dhammaan jidadka soo galo halka uu ka dhacay dilka. Isgoyska hawlwadaag ayaa ah goob eey aad u isticmaalaan wadayaasha mooto bajaajka doonaayo ineey u gudbaan wada maka almukarama maadaam uu xiran yahay isgoyska bakaaraha.

Previous
Previous

Qxooti Rohinga oo…

Next
Next

Muqdisho oo Marti….