WEERAR ISMIDAMIN AH OO LAGU DILAY….
RAXIIMULLAH XAQAANI.
(KAABUUL)-Sheekh dhinaca Diinta caan ku ah gudaha kooxda Taalibaan ee hadda ka arrimiso dalkaasi Afgaanistaan Sheekh Raxiimullah Xaqaani ayaa lagu dilay weerar ka dhacay magaaladda Caasimadda ah ee Kaabuul dalkaasi Afgaanistaan,Sheekha ayaa ka qeybgelaayey kulam diineed waqtiga la dilaayey,qofka gaystay weerarka ayaa isku soo xiray waxyaabaha qarxo waxa uuna ku soo dhex qariyey lug dadeed oo been ah kana samaysan Caag sida eey ku warameen masuuliyiinta Taalibaan.”Waa wargelintii ugu xumeed kuna saabsan caalimka diineed ee Sheekh Raxiimullah Xaqaani inuu shahiiday,weerarka lagu dilay Sheekhana waxa uu ahaay mid fulaynimo eey qaadeen cadawga”sidaas waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka Taalibaan Bilal Karimi.
ISHA WARKA GUARDIAN.