SALMAAN RUSHDI OO LA MIDIYEY.
DHAAWICII SALMAAN RISHDI.
(NEW YORK)-Salmaan Rushdi oo ah qoraagii qoray buugii AAYADAHA SHAYDAANKA sannadkii 1980-kii dalka Iraane uu ku baaqay in la dilo ayaa maanta oo Jimca ah waxaa lagu weeraray Mindi waxaane looga dhuftay Qoorta, weerarka ayaa waxaa gaystay nin ka mid ahaay dadkii dhegaysanaayey Muxaaradda Salmaan jeedinaayey galbedka magaladda NEW YORK.Wakiil wareedka Wakaaladda Associated Press(AP) oo goobjoog ahaay arkaayeyne sida wax u dheceen ayaa sheegay in ninka qaaday weerarka iyo Salmaan is wajaheen si fool ka fool ah masraxa Machadka CHAUATAUQUA korkiisa,marka hore Salmaan ayaa la feeray ka dibne waxaa lagu dhuftay 10 ilaa 15-Mindi waxa eeyna Salmaan Mindida uga dhacday Qoorta oo waxa uu ku dhacay dhulka oo waxaa laga jiiday goobta uu Muxaadarada ka jeedinaayey, Salmaan waa 75-jir, ninka mindida ku dhuftayne waxaa qabtay oo xiray ciidamadda amaanka in kastoo aan la sheegin magaciisa,dhalashadiisa iyo da’adiisaba.
ISHA WARKA AP.