WEERAR DAD KU HOOBTEEN OO KA DHACAY AFGAANISTAAN.

1000 (12).jpeg

(KABUL,AFGAANISTAAN):Dalka Afgaanistaan waxaa ka soo cusboonaaday dhibaatooyin hor leh oo u dhexeeyo dagaalyahanadda Daacish ee ku sugan Afgaanistaan iyo kooxda talada dalka Afgaanistaan la wareegtay ee Dhaalibaan bishii Agoosto-2021-ka.Kooxda Daacish waxa weeraro aan kala go’o lahayn ku haysaa Dhaalibaan ka dib markii Dhaalibaan eey dileen hogaamiyihii Daacish ee dalka Afgaanistaan maalmo ka dib markii eey xukunka kala wareegeen Maraykanka.Maanta oo Jimca ah kuna beegan 8/10/2021-ka ayaa waxaa dalka Afgaanistaan ka dhacay weerar loo gaystay Massjid ku yaalo waqooyiga dalka Afgaanistaan weerarkaas oo loo adeegsaday Bam ayaa waxaa sheegtay kooxda Daacish waxaane weerarkaas ku dhintay dad garaayo afartan iyo lix(46)-qofood waxaane ku dhaawcmay tiro intaas ka badan oo ah dadkii masaajid u soo dukasho tegay.Sida lagu daabacay bogga eey leeyihiin kooxda Daacish ee (Amaq News) weerarka waxaa geystay Daacish waxa eeyna weerareen masaajid eey leeyihiin shiicadda iyo Dhaalibaan,weerarka ayey Daacish ku sheegtay inuu yahay mid eey uga soo horjeedaan masaafurinta dadka muslimiinta uygher oo laga musaafurinaayo dalka Afgaanistaan,waxa uuna weerarka ka dhacay masaajidka ugu dadka badan ee ku yaalo magaaladda kunduz markii la aqimay salaadii Jimcaha ee maanta.XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

MUHAAJIRIIN LAGU TOOGTAY DALKA LIIBIYA.

Next
Next

GUDIGII BAARAYEY TACADIYADII KA DHACAY DALKA YAMAN OO LA KALA DIRAY.