MUHAAJIRIIN LAGU TOOGTAY DALKA LIIBIYA.

GettyImages-1185587605-scaled-e1633785050205.jpeg

(TRIPOLI,LIBYA) Dalka Liibiya waxaa ku sugan muhaajiriin fara badan kana kala yimid dalal kala gedisan waxaane ugu badna kuwa ka yimid wadamadda qaaradda Afrika,dadkaan ayaa marka la qabto waxaa la isugu geeyaa xero lagu haayo inta dib loogu celinaayo halkii eey ka soo boqooleen amaba laga helaayo dal kale oo qaabilaayo.

Hayadda qaramadda midoobay u qaabilsan muhaajiriinta (IOM) war eey soo saartay shalay oo Jimca ahayd(8/10/2021)-ka ayey ku sheegtay in ilaaladda xeradda lagu haayo dadka muhaajiriinta eey toogteen shan qofoof oo ka mid ah muhaajiriinta xeradda,warkaan ayaa banaanka yimid ka dib markii agaasimaha xafiiska(IOM) ee magaaladda Tripoli Mr.Fedrico Soda uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay in toogasho ka dhacday xeradda muhaajiriinta ee caasimadda Tripoli dalka Liibiya,hadalka agaasimaha ayaa u qornaay sidaan”Ilaaladda Liibiyaanka ah ee ilaaliyo xeradda muhaajiriinta ee Tripoli waxa eey toogteen shan muhaajir kuwaaso ku sugnaay xeradda,muhaajiriinta ayaa intooda badan waxa eey ka soo jeedaan dhulka ka hooseeyo saxaraha Afrika”XIGASHO MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

S/GAAS AXMED NAASIR MA NOQON DOONAA MADAX INTERPOL?

Next
Next

WEERAR DAD KU HOOBTEEN OO KA DHACAY AFGAANISTAAN.